|
Shirkadda
Nation Link oo qabatay barnaamij la magac baxay tijaabi nasiibkaaga
abaalmarinna guddoonsiisay qaar kamid ah macaamiisheeda.
|
| waxaa la daabacay Wed 31 Dec 1969 19: 00: 00 |
|
Waxaa
maanta xarunta Shirkadda Isgaarsiinta ee Magaalada Muqdisho lagu
qabtay Munaasabad balaaran oo abaalmarino lagu siinaayay
Maacaamiisha Shirkadda Isgaarsiinta Nation Link.
Abaalmarinada ay Shirkadda Isgaarsiinta Nation Link macaamiisheeda
siisay ayaa ahaa kuwo Baqtinasiib ah, waxaana abaalmarinada Helaayay
qofkii Todobaad gudihiisa Isticmaala ugu yaraan 3-doolar, waxaana
macaamiisha la siinaayay lacag dhan 50-doolar, 75-doolar iyo
100-doolar.
Mid ka mid ah Macaamiisha Shirkada Isgaarsiinta oo ka mid ahaa dadkuu
ku guulaystay baqtiya nasiibkaas oo la wacay Nambarkiisa ayaa
sheegay in la dhaho Magaciisa Cali Abuukar Siyaad, isagoo waqtigaasi
cadeeyay inuu joogo Magaalada Ceel Buur ee Gobolka G/Gaduud, isagoo
miijiyay inuu si aad ah ugu faraxsanyahay ku guulaysiga Barnaamijka
Tijaabi Nasiibkaada, sidoo dad kale oo iyana ku guulaystay oo ay
saxaafadda la xiriirtay ayaa halkaasi ka sheegay inay ku faraxsan
yihiin. Ujeedada barnaamijkaan ayaa ah u diyaargarowga Munaasabada 11-aad ee ka
soo wareegtay sandguurada Aasaaska Shirkadda Isgaarsiinta Nation
Link, waxana uu soconayaa ilaa 26-ka Febaraayo 2009-ka, iyadoo
todobaad kasta maalinta Khamiista lagu qabanaayo xarunta Shirkadda
ee Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Munaasabadaasi ayaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah Masuuliyiinta Shirkadda Isgaarsiinta Nation Link oo uu ka mid yahay Cali Axmad Nuur, isagoo ku dheeraaday Mudadii ay jirtay Shirkadda iyo waxyaabihii ay u qabatay Bulshada intaba, iyadoo sidoo kale Halkaasi ka hadleen qaar ka mid ah Abwaanada Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay Abwaan Abshir Bacadle, C/Qaadir Abaabul, Abwaan Guure iyo Oday Cabdulle oo isna halkaasi ka soo jeediyay Sheeko dadkii halkaasi isugu yimid ka qoslisiisay. |