| Gebi ahaanba waxaa lasoo dhamaystiray Dhismihii Cisbitaal;ka degmada Ceelnaraf Gobolka Sh/Dhexe oo kamid ah degmooyinka ugu kheyraadka badan gobolk, maalinimadii Jihcaha 2-dii bisha Shacbaan kuna beegneed 24-ka Julaay waxay aheed maalin aanay hilmaami doonin shacabka degmada Ceelbaraf. Munaasabad balaaran oo lagu furayay Cisbitalka degmada Ceelbaraf ayaa daba yaaqadii Isbuucan ka dhacday degmada Ceelbaraf halkaasi oo ay isugusoo bexeen Kumanaan qof oo ka yimid miyiga si ay mar uun Indhahooda usaaraan Cisbitaalka degmadooda..
Qaasim Sugwaay oo kamid ah Guddigii qaban qaabada Munaasabadda oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Cisbitaalka ay dhismihiisa dhaxda u xirteen Ganacsato iyo Jaaliyado ka damqday dhibaatada haysata Haweenka iyo Carruurta islamarkaana ay gacan mug leh ka gaysanayaan jaaliyadaha dibadda iyo Ganacsatada oo ka damqaday dhibaatada shacabkooda.
Warbaahinta Gudaha iyo dibadda oo lagu marti qaaday in ay goob joog ka aheed Munaasabadaasi, Weriyaal katirsan Bogga Ceelbaraf ayaa iyana halkaasi tegaya in ay Bulshada ugusoo ban dhigaan waxa meesha ka dhacayay.
Cumar Raage oo katirsan Dadka deegaanka Ceelbaraf ayaa Noqday Bukaankii ugu horeeyay oo lagu daweeyo Cisbitaalka degmada Ceelbaraf, Dr, Muxudiin oo kamid ah dhaqaatiirta yar yar ayaa sheegay in ay kaalmo weydiisanayaan hay'adaha samafalka.
Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horaysay oo Cisbtaal weyn laga hir-geliyo degmada Ceelbaraf oo hadda u muuqato degmo dad badan soo jiidatay
 Dhismaha Cisbitaalka Ceelbaraf oo meel sare ka muuqda
 Dadka Deegaanka oo Daawanaya Xarig jaridda Cisbitalka Ceelbaraf
 Xaji Muxed Shekh Gudoomiyaha degmada iyo Qaasim Sugwaay Cali

 wadooyinka Degmada Ceelbaraf oo ay Isticmaalayaan Dad rayid ah
 Gaadiid Goobta Yaal iyo Agabkii lagu dhisay Cisbitaalka Celbaraf
 Furitaanka Cisbitaalka Ceelbaraf
 Sheekh Cali Xasan Taakow iyo Qasim Sugwaa oo caruur dhax taagan
 Nabadoo Yuusuf Barrow oo isagoo qiiraysan lahadlaya Warbaahinta

 Cisbitaalkii oo aan weli laga jarin xariga

 Qaasim Sugwaa oo Xariga ka jaraya Cisbitaalka degmada Celbaraf



 Barbaarta degmada Ceelbaraf oo Dabaal degaya/laashir B.X.Hiiraale

 Cumar Raage oo Cisbitaalka Ceelbaraf lagu daweynayo



Wixii Dheeri ah ee aad karabto Munaasabadii Cisbitalka Nagalasoo xariir.
Email:Ceelbaraf.net@hotmail.com Email:-Webmaster@ceelbaraf.net |