Iyadoo sanooyinkii la soo dhaafay ay culimada aqoonta caafimaadka ku xeesha dheer ay ka digayeen waxyeelada dhanka caafimaad ee uu sababo sigaarka ayaa maalinba maalinta ka dambeysa waxaa soo baxaysa cuduro hor leh oo ka dhasha sigaar cabista, tiiyoo ay u sii dheer tahay in dadka sigaarka dhuuqa qiiqa ay afuufaan uu sidoo kale waxyeelo u geysan karo caafimaadka dadka ku dhaw dhaw oo qaarkood xitaa bushimahoodda aan saarin mir sigaar ah.
Kooxo saynisyahanno ah oo ka tirsan
Jaamacada Kings College London ayaa daaha ka rogey natiijada daraasad
cusub oo ay sameeyeen, iyagoo ku xaqiiqsadey in sigaar cabista ay ka
dhalato xanuuno ku dhaca maskaxda qofka bini’aadamka ah.

Goor sii horeysay ayaa daraasado kala duwan oo la xiriira sigaar cabista
waxaa lagu xusey in ay keento cuduro ku dhaca sababada, iyadoo habka
neef qaadashada uu u keeno dhibaato culus,kuwa ku dhaca jirka
qofka,isla markaana uu sababo cuduro kala duwan oo halis ba,an ku ah
caafimaadka qofka.
Daraasadan cusub ee ay sameeyeen
Saynisyhanadan waxay kaloo farta ku godeen in sigaar cabistu ay keento
kor u kaca dhiiga ama waxa loo yaqaan blood pressure (Dhiig-kar),
waxaana ay ugu baaqeeen in qofka inta uu ku cusub yahay sigaar dhuuqista
ama uu da,a yar yahay uu joojiyo halistaasi caafimaad.
Cilmibaarayaashu waxay tijaabo ka
qaadeen 8,800 oo qof, kuwaasi oo da,doodu ka weyn tahay 50 sano, iyadoo
ay muujisay daraasadu in dadkaasi kuwa sigaarka caba ay ka heleen
dhibaatooyin xaga maskaxda ah, dhibaato wax aqrinta ah ama waxbarashada
saameysa iyo waliba xusuusta oo lunta.
Cilmibaaristu waxay kaloo xustey in
dadka sigaarka caba ay sidoo kale u nugul yihiin cudurka Stroke ama
qalalka iyo dhiig karka, miisaanka jirka oo kordha iyo guud ahaan mudo 8
sano ah oo qofku iska dameemo xusuus la,aan.
Dr Alex Dregan oo ka tirsan Kings
College London hormuudna u ahaa kooxdan cilmibaarayaasha ah ayaa xusey
in dad badan iyagoo og dhibaatada caafimaad ee sigaarku u leeyahay ay
hadana sii wadaan halistaasi culus.
Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@hotmail.com
Lasoco shabakada Ceelbaraf.net