Guulihii Siyaasadeed ee xukuumaddii hore ee Sheekh Shariif iyo waajibnimada taageerada xukuumadda Dr Xasan Sheekh.
Marka hore waxaan kasoo safray caasimadda soomaaliya ee muqdisho 26/bishii hore ee dec.anigoo sanad kahor kulaabtay somaliya 8/2/2012 anigoo kasoo maqnaay muddo 7-sano ah lagasoo bilaabo 15/5/2005 iyadoo wax badan ey iga danbeeyeen oo ka dhacay dalka muddadaas aan kasoo maqnaay oo ey ka midyihiin dagaaladii maxaakimtu xamar kula wareegtay imaatinkii ciidamadii Ethiopa iyo dhismihii dowladdii midnima qaran ee uu sh shariif hogaaminaayay oo runtii guula badan kasoo hoysay dib usoo celentii heybaddii qaranimada soomaaliya gaarsiiyayna wadanka in uu ka boxo kumeel gaarnimadi uuna u gudbo dhismo dowlad rasmi ah oo lagu doorto gudaha soomaaliya haddaba waa maxaay guulaha ey wadanka u horseeday dowladdii kumeel gaarka eheed ee uu hogaaminaayay madaxweyne sh shariif?

Runti waxaa la dhihi karaa dowladdaasu wadanka wexey ka qabatay waxyaabo aad u waaweyn oo lagu xasuusan doono maadaama somalidu eysan eheyn amaal dhaan oo ey wanaagga ciddi qabatay u qiran xataa haddeysan ciddaas jecleyn waxaana lagusoo gaabi karaa guulahaas-
1-Dhismihii ciidamadaqalabka sidaee kala duwan oo runtii madaxweynuhu uu aad ugu dadaalay iney dhismaan wax kasta oo dowladdu helikartay oo dhaqaalaana ey ku bixisay wolow eysanba helin wax dhaqaala ah oo la sheegi karo.
2-Howl gelintii aqoonyahankii dalka siiba kuwii dibad jooga ahaay oo loo baahnaay in eywadankooda dib ugusoo noqdaan kana qeyb qaataan horumarinta bulshada soomaaliyeed maadaama ey muddo ku noolaayeen wadama dhisan oo nolol wanaagsanu taallo runti guula badan ayaana laga gaaray siyaasaddaas uu qaatay madaxweynihii hore sh shariif waxaana tusaale loosoo qaada karaa akhyaartii aqoonyahanka u badneed ee xubnaha ka ahaay xukuumaddii tayo ee uu horkacaayayDr Farmaajooo ey ugu cad caddaayeenc/xakiim fiqi,dr xuseen xalane iyo akhyaar kale oo aad u qiima badnaay.
3-Lawareegiddii caasimada muqdisho iyo u xuliddii rag aad u shaqa badan sidaustaad tarsangud. gobolka banaadir ahna duqa magaalada muqdisho oo la dhihi karo in uu qabtay wax u eg mucjiso welina uu higsanaayo in uu magaalada muqdisho ka dhigo magaalo casriya oo laga tusaala qaato mustaqbalka taasoo ka dhigeysa in magaalada muqdisho ey hesho maamulkii ugu horeeyay oo hanta caasimadda muddo 22 sano ahtan iyo rididdii dowladdiimaxamad siyaad bareallha u naxariistee 1991.
4-Unkidda xiriir isu dheeli tiran oo iskaashi oo lala yeesho dhamaan wadamada caalamka iyo kuwa gobolkaba waana tan keentay in dowladdu xiriir isu dheelitiran ey la sameysato wadamada gobolka o dhan sida ethopia,kenya,jabuuti,ugandha,sudaan,dhamaantoodna ey ka faa,eedeysato gaar ahaan dhanka ciidamada.
5- Soo dumidda iyo kusoo xiridda dowladda dhamaan maamuladii ka dhisnaay gobolada dalka oodhan sida maamul goboleedka buntiland,galmudug,ximin iyo xeeb,ahlusunna waljamaaca iyo jabahaddii raaskambooni oo dowladdu ey dhistay taakuleyn fiicanna ey siisay si ey gacanta ugu dhigto iyada iyo ciidamada dowladdu deegaanka jubooyinka taasoo keentay in dowladdu iyadoo muqdisha uun joogta maamul ahaan haddana wadanka oo dhan siyaasaddeedu ka shaqeyso wexeyna ku timid xikmadda hogaamineed ee wanaagsan ee sh shariif.
6- Abaabulka jaaliyadaha dibadda iyo kusoo xirkooda dowladdooda taasoo gaartay sanadkii 2011-12 meeshii ugu sareysay oo ey xataa ey bilaabeen iney wufuud soo dirsadaan isna abaabulaan taageerana u aruuriyaan dowladda gaar ahaan ciidamada qalabka sida.
7- Wadahadalka lala furay maamulka soomaaliland oo guul siyaasadeed u ahaay dowladda dhexe maadaama ey ogolaadeen in ey kasoo qeyb galaan shirarka looga hadlaayo aayaha soomaaliya dowladda dhexana ey soo dhaweysay in taageero dhaqaale iyo horumarineed la siiyo walaalaha woqooyi maadaama ey nabad iyo horumar ey ka sameeyeen deegaanadaas waxa ka faa,iideysanaaya dhaqaalahaas ey ugu danbeyn yihiin shacab soomaaliya oo u baahan eyna dib ugu noqoneyso taageerada beesha caalamku dhulka soomaaliyeed.
8- Qabashadi iyo najixintii shirweynihii soomaaliyeed ee ka dhacay muqdisho laguna yagleeyay dowladda cusub iyo golayaasheeda kala duwan iyo aqoonsigii natiijada kasoo baxday iyo ku wareejintii xilka qaran madaxweynaha cusub Dr xasan sh maxamuudsi dhib la,aan ah taasoo caalamka oo dhan madaxweyne shariif uu uga muteestay qaderin weyn oo gaarsiisay in si weyn loogusoo dhaweynaayo caasimado fara badan oo caalamka ka mid ah lana kulmaayo saaxiibadiisii madaxda wadamadaas taasoo u ah guul weyn oo siyaasadeed.
Haddaba guulahaas siyaasadeed oo dhan waxaa qeyb weyn kaahaay oo madaxweynaha la qeybsanaaya dhamaan raggii iyo gebdhihii kala shaqeeyay lana taabageliyay waxaana u jecleestay inaan umadda dib u xasuusiyo in la bedelo dhaqankii hore oo ahaay in mas,uulka iyo wax qabadkiisiiba leesla tuuro fadligiisiina la inkiro taasoo aan ka mid eheyn dhaqanka suuban ee islaamka iyo bani,aadmkaba loona baahanyahay in cidwalba wexey leedahay oo fadliya loo qiro taariikhdana loo geliyo anigoo maqaalka danbana ku qaadaa dhigi doona rejooyinka bilowga ah ee hogaanka cusub ee soomaaliya ka muuqanaya iyo waajaiabnimada in gacaan buuxda lagu siiyo taaba gelinta himilada aadka u sareeya ee madaxweynaha cusub iyo xukuumadiisu ey lasoo bexeen si dalku ugu tilaabsado guul deg deg ah iyo horumar dhankasta ah ilaahey waxaan ka baryeynaa in uu kheyrka oo dhan na waafajiyo.
Wixii tala ku biirin ah iyo tusaale fadlan ku soo dir
caliwajiis@hotmail.com
amaba telka ah
00966564710343 KSA.
Lasoco Ceelbaraf.net