Views: 2218
  Thursday January 01, 1970 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Bismilaahi al raxmaani Al raxiim,,,Qormadaydani waxaan ku daah furanayaa maahmaahda ama oraahda dheheysa (SALKU WAA CEELBARAF), taas oo macnaheedu ay wada garanayaan dadka reer Ceelbaraf iyo nawaaxigoodaba, oo ay ku tusinayso sida dadka reer Ceelbaraf ay ugu dhaaran jireen una kool koolin jireen magaalada Ceelbaraf bari samaadkii, taas oo loo fahmi karo in magaalada Ceelbaraf ay dadka reer ceelbaraf ugu deeqday wax walba oo ay u baahnaayeen, hadaba si kooban aan uga hadlo xiriirka ka dhaxayn jiray magaalada Ceelbaraf iyo dadka reer ceelbaraf Xiliyadii hore iyo waxa is badalay iyo xiriirku sida uu noqon doono mustaqbalka.

Magaalada Ceelbaraf ilaahay wuxuu ku manaystay khayraad fara badan oo ay qayrkeed ku dhaaftay waxaana ka mid ah khayraadkaas

1) khayraadka Beeraha.

2)xoolaha nool geel, lo, iyo ari.

3)khayraadka dhabiiciga ah sida geedaha iyo fooxa.

iWM.

Nimcadaas uu ilaahay ku manaystay dadka reer ceelbaraf, waxay u isticmaaleen bari samaadkii sidii ay ahayd waxaana soo qaadan karaa :-

01) xaga ganacsiga iyo dhaqaalaha.

Magaalada ceelbaraf waxay ahaan jirtay meelaha ugu ganacsiga wanaagsan Somaliya xiliyadii hore, waxayna ahayd magaalo aad u camiran, ganasiga ugu wayna wuxuu ahaan jiray ganacsiga dalaga beeraha, xoolaha nool, iyo beecmushtariga kale.

02) isku xirnaanta Bulshada reer ceelbaraf iyo bulshada kale.

dadka reer ceelbaraf waxay ahaan jireen waxa loo yaqaano dad multi-Cultural ah, waayo magaalada ceelbaraf maadama ay ahayd magaalo ilaahay nimco ku manaystay waxay wada qaaday oo ku wada noolaa dad fara badan oo ka kala yimid magaalooyinka ku harayraysan dadka reer ceelbaraf waxaa kulmin jiray Salku waa ceelbaraf iyo reer ceelbaraf ayaanahay oo kaliya, taas oo u saamaxday in dad gobolo kale ama dagmooyin kale ka yimid ay ceelbaraf ugu noolaan jireen sidii gurigoodii oo kale iyo ka fiican taariikhdii horana laguma hayo nin ceelbaraf bartay oo ka guuray, siday odoyaal wax garad ahi noo xaqiijiyeen.

3) Nabadii iyo horumarkii Ceelbaraf yaalay xiliyadii hore waxaa ku sii biiray fididii diinta islaamka dadka reer ceelbaraf inay si fiican u bartaan shareecada diinta islaamka una dhabaqaan, waxayna ceelbaraf noqotay magaalo iyo madaraso (School) cid walba ku taanto inay ku noolaato, waxaana ka soo baxay dariiqadaas culumaaudiin diinta meel dheer gaarsiiyay oo reer ceelbaraf ah.

4) Reer Ceelbaraf waxay lahaayeen odayaal dhaqameedyo garta siday tahay u gooya ama u naqa oo looga yimaado meel ka duwan.

MAXAA IS BADALAY.

Qaxii dagaalkii 1991dii kadib, (taariikhdaasi oo uu ruux walba xasuusan yahay), ayaa xiriirkii dadka reer ceelbaraf iyo magaalada Ceelbaraf mugdi soo kala dhaxgalay kadib markii dadkii reer Ceelbaraf badankoodii ay usoo qaxeen xagaas iyo caasimada muqdisho, kala maqanaanshahaasina si kastaba ha ku yimaadee wuxuu socdaa ilaa iyo hada kadib markii ay burburtay dowladii dhexe ee somaliya, iyadoo qayb ka mid ah dadkii reer ceelbaraf ay ku soo noqdeen magaaladoodii qiimiga lahayd, ee Ceelbaraf, dadka badankiisii kalana ay usii qaxeen xagaas iyo kenya,qaarkoodna wadamada Carabta,Yurub,Waqooyiga America iyo South Africa,

SIDEE WAX LOO SIXI KARAA?.

Waxaa marag ma doonta ah inuu jiro isbadal, sidaas daraadeed si ay Degmada Ceelbaraf ula jaan qaado khayrkeed kuna noqoto siday ahaan jirtay iyo ka badan waxaa la gudboon qurba joogta reer Ceelbaraf, inay indhahooda iyo caqligooda furaan lana jaan qaadno waxa socda, cidii dadaal wada ama horay usamaysayna waan u mahadcelinaynaa, xiriirkeenii aan Degmadeena Ceelbaraf la lahayna dib u soo celinaa SALKUNA WAA CEELBARAF. Mahadsanidiin

Mohamed-Sharif

Lasoco Ceelbaraf.net