Deegaankii la xureeyaye aawey dadkiisii????Waxaa umadda soomaaliyeed go,aansatay markii la riday
xukuumaddii melateriga ee uu hogaaminaayay jenaraal maxamad siyaad bare 1991
bilowgeedi in xukunka dalka lagu saleeyo in deegaanadu helaan madaxbanaani
maamul iyo in cidkasta ey ka shaqeyso amaanka iyo horumarinta deegaanadeeda,
madaama waxa ugu weyn ee dalka dibu dhaca ku riday ey eheed in lakala ilaaliyay
deegaanka iyo dadkiisa oo gobolada loo magacaabaayay dad aan u dhalan oo wax
horumara iney ka sameeyaanba eysan qorshahaba ugu jirin.
Runtii waxaa ka faa,iideestay siyaasaddaas isku
tashiga ah deegaano badan oo maanta maraaya heer aad u sareeya oo jaamacado iyo
isbitaallo casriya iyo horumar baahsan uu ka jiro sidi deegaanada somaliland,buntiland, galmudug, ximan&xeeb iyo deegaanka
guriceel.
Maamuladaasu wexey
go'aan ku gaareen iney biyaha sacabadooda uga dhergaan wexeyana hubiyeen in
jirkooda eysan u xogeyn wax la mid ah cijadooda.
Hasayeeshee waxaa nasiib daro ku dhacday oo
weli la nool siyaasaddii kacaankii melaterigaee 70-tameeyadii dadka dega
deegaanada banaadir,shabeelada dhexe, shabeelada hoose shabeelada
sare,hiiraan,bay iyo bakool oo weli sugaaya in dowladda dhexe usoo magacawdo
gudoomiye iyo taliya saldhig una dhisto isbitaal iyo isguulo iyadoo la ogyahay
in adduunyadaba kasoo dhamaaneyso nadaam xukun ku aruursan dowlad dhexe iyo
caasimad oo dunidu gaartay in dadku iyagu maamuladooda doortaan dhaqaalohooda
iyo gacamohoodana ku horumariyaan deegaanadooda.
Haddaba maxaa looga baahanyahay dadka ku nool
gobolada aan soo sheegay ee weli ku riyoonaaya in dowlad dhexe oo iyaduba teeda
la daalaa dheceyneysa ey wax ka sugaan, taasoo ah nasiib daro idilkeed iyo
dibudhac ku saabsan fahamkaheerka dalka siyaasadddiisu mareyso.
Waxaa looga baahanyahay in ey ogaadaan in deegaanada aan soo sheegnay ee
aad u danbeeya oo marna shabaabku iska heesteen iyagoon waxba ka qaban horumar
ah marna dagaallo ahliyuhu naafeeyeen waa in dadka u dhashaahu u istaagaan una
danqadaan deegaanadooda.
Waxaa
lees weydiiyaa maxaa degmada
cadaado gaarsiiyay in ey gaartay
horumar lagu farxo oo maanta ey leedahay isbitaallo iyo isguula casriya iyo
horumar dhankasta ah halka degmada cadale, ceeldheeriyo aadanyabaal eysan eheyn
meel wax horumar ah ka jiro.
Jawaabtu waa iska caddahay waxeyna tahay in
degmada cadaado ey leedahay dad adduunyada meelkastoo ey ku noolyihiin ka
fikiraaya horumarkeeda halka degmooyinka ceeldheer cadale iyo aadanyabaal
dadkoodii oo ah dadka ugu hantida badan soomaalaiya ey iska ailaabeen iney
dhistaan horumariyaanna deeganadooda balsa taas bedelkeedaey dowladda dhexe ka
sugaayaan iney degmooyinkooda horumar ka sameyso taasoo ah riyo lagusoo lugo,ay
53 sano haddaba maxaa la gudboon dadka dega gobolada dibu dhaca weynu ku dhacay
ee aan kor kusoo sheegnay??
Waxaa la gudboon arimaha soo socda:-
1- In ey booqdaan deegaanada dadkoodu ka
shaqeesteen oo manta maraaya heerka lagu faanikaro ee aan kor kusoo sheegnay si
ey uga qaataan istiraatiijiyada ey ku horamariyeen deegaanadooda iyo sida ey
isugu xireen bulshadooda gudaha iyo dibaddaba ugana wada qeyb qaateen
horumarkaas.
2-In dadka dega
deegaanadaas dibu dhaca weynu ku dhacay ey shirar waaweyn oo ey kasoo qeybgalaan
dhamaan dadka ku abtirsada degmooyinkaasu isugu yimaadaan una sameestaan
deegaanadooda maamullo ey doorteen oo ey horkacaayaan dad naftooda iyo
wakhtigooda u huraaya iney dadkooda horumar gaarsiiyaan oo mutadawiciin ah
isuguna jira dhamaan qeybaha bulshada sida
aqoonyahanka, ganacsatada,siyaasiyiinta, culumada, dhaliyarada,saraakiisha iyo
gabdhaha si dar dar loo geliyo howlaha loogana wada qeyb qaato.
3- In xisaab dhaqaale loo furo maamulka gobal
kastalagana baahiyo meediyaha si dadka ku abtirsada goboladaas oo adduunyada
dacaladeeda jooga ey uga qeyb qaataan iyadoo dhaqaalaha loo dhiibaayo dad aad
loogu kalsoonyahay oo ganacsato iyo aqoonyahan ah.
4- In wasaaradda arimaha gudaha loosoo gudbiyo
maamuladaas markii lagu dhawaaqo looguna yeero kasoo qeyb galka caleemasaarka
maamuladaassi ey wada shaqeyn u yeeshaan iyaga iyo wasaaraddu isagana
kaashadaan horumarka dalka.
5-
In gobolkastaahu si ow isugu filnaado uu diyaarsado miisaaniyaddiisa dhaqaale si
uu u bixiyo mushaaraadka ciidankiisa iyo shaqaalaha maamulka waa in uu abuuraa
ilihii dhaqaalaha sidii dekado,wershado,iyo canshuur guud oo laga qaado
deegaanada gobolka hoosyimaado.
Haddaba waxaa loo baahanyahay in deegaanada banaadir,shabeelada
dhexe,shabeelada hoose gobolka xeebta ee cowl amaba mareeg shabeelada sare iyo
hiiraan 6-daas gobol oo lagu tilmaamo gobolada ugu hodonsan wadanka marka laga
reebo jubada hoose oo iyaduna lamid ah goboladaan waxaa la gudboon dadka dega
iney sidaan isu dhaamaan iskana daayaan eedeynta dowladda dhexe ee iyagu ey wax
qabsadaan iyagoo taageersan dowladdooda lana socodsiinaaya hadba meesha wax u
maraayaan waxaana la hubaa in wadanku uu horumar deg dega ku tilaabsanaayo
haddii gobolada dibu dhucu ku dhacay oo dadkoodu hurdaan ey hurdada ka toosaan
sidi walaalohooda isku tashaday gaarsiiyayna deegaanadoodain maanta madaxda
adduunku booqaneyso taakuleyn dhankastaana la dultaagantahay horay ayaa
soomaalidu ugu mahmaahday nin qada heestaa casho loogu daraa.
Ilaahey waxaan weydiisaneynaa inuu dalkeena noo xifdiyo dadkiisana xaqa
tuso kuna ilhaamiyo danohooda iyo dabciga iskaashiga oo umaduhu ku
horamaraan.
Walaal wixii tusaala
iyo ku derid ah kusoo dir