Views: 1299
  Monday January 14, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Qoraalkan waxaan uga jawaabi doonnaa su,aalahaan hoos ku qoran:

>Waa Maxay Sonkorow?
> Sidee Baan u Dareemi Doonaa Sonkorowga?
> Sidee Buu Dhakhtarku Ku Ogaanahayaa Inaan Sonkorow Qabo?
> Sidee ayaa Loo Daweeyaa Sonkorowga?
> Maxaa Keena Sonkorowga?
> Ma Waxaa Jira Hal Nooc Kabadan oo Sonkorowga ah?
> Caruurtaydu Ma Ku Dhici Doonaa Sonkorowgu?
> Ma Jirtaa Daawo Sonkorowga?
> Maxaan Kaloo u Baahanahay iInaan Barto Xukunka Sonkorta?

Waa Maxay Sonkorow?

Sonkorowgu waa cudur uusan jirku si haboon uu u isticmaali karin cuntada quwad ahaan. Unugyada tirada badan ee jirka ku jira waxay u baahan yihiin shidaal ay ku noolaadaan oo ku koraan.

Jirku wuxuu u jejebiyaa cuntada aad cunto inta badan nooc quwad ah oo loo yaqaan sonkor (glucose). Glukoos waa eray kale oo la yaqaan sonkorta. Insuliin waa hormoon ku caawiya sonkorta inuu ka wado dhiigga oo geeyo unugyada jirka.
Insuliinka jirka waxaa sameeya beeryarta (Pancreas). Qof ma noolaan karo Insuliin la,aan.

Sonkorowga, waxaa jira hal dhibaato ama ka badan oo insuliinka ah. Kuwaas waxaa ka mid ah:

> Beeryarta oon insuliin samayn (Nooca 1 sonkorowga)
> Beeryarta oon samayn insuliin ku filan, ama jirka oon isticmaali karin insuliinkii uu sameeyey (Nooca 2
sonkorowga).

Sidee Baan u Dareemi Doonaa Sonkorowga?

Qof walba si gooni ah ayuu uga jawaabaa sonkorowga. Qaar ka mid ah calaamadaha digniinta ee sonkorowgu waa:

> Biskood soo daaha (tartiib)
>Awood darro (ama awood la,aan jirka ku timaada)
> Fursad culays (kordhid ama lumid)
> Aragti caad leh
> Kaadi tiro badan
> Oon badan
> Noog xad dhaaf ah / daalid
> Hurgun jirka ah iyo cuncun
Dadka qaarkood ma oga inay sonkorow qabaan waayo ma qabaan calaamadaha digniinta. Sonkorowgu dhakhso ayuu soo baxaa, asagoon digniin lahayn. Mararka kale si aayar ah ayuu u soo baxaa, dhawr bilood.

Sidee Buu Dhakhtarku Ku Ogaanayaa Inaan Sonkorow Qabo?

Waxaa jira dhawr dariiq oo dhakhtarku u baari karo hadaad sonkor qabto. Waxaa ka mid ah:

Baaridda Dhiigga

Baaridda dhiigga ee ugu caansan oo la sameeyo si loo helo haddii aad qabto sonkorow waa heerka sonkortaada. Haddii aad soomantahay heerka sonkortu waa 126 ama ka badan, inta badan sonkor baa la tuhmaa. Dadka aan qabin sonkorowga waxay leeyihiin in sonkorta markaad waxba cunin ay ka yartahay 110. Baaritaan dhiigag kale ayaa la samayn. Inta badan waxay u baahan yihiin inaadan cunin ama cabin waxba habeenkii. Maalinta xigta waxaad u aadi doontaa xaafiiska ama shaybaarka baaritaan dhiigag socda 2 ama 3 saacadood.

Baaritaan Guud

Dhakhtarku mararka qaarkood wuxuu kaa heli karaa calaamadaha sonkorowga korkaaga asago samaynaya baaritaan.

Calaamadaha iyo Sumadaha Sonkorowga

Asago kula hadlaya, dhakhtarku wuxuu heli kara inaad qabto dhawr calaamadood oo sonkorow ah sida kabuubyada ama gubasha cagaha iyo lugaha iyo awood la,aanta.
Isticmaalka baaritaanka dhiigga, baaritaan jireed iyo weydiinta calaamadaha digniinta iyo sumadaha, dhakhtarku wuu ogaan karaa haddii aad qabto sonkorow.

Sidee Baa Loo Daweeya Sonkorowga?

Natiijada daaweynta noocyada sonkorowga oo dhan waa inaad heerka sonkorta ku haysa sida ugu dhaw caadiga (heerka qiyaasta 80-120). Si loo sameeyo tan waa cuntada laysu dhelli tiro, daawada (insuliin ama tan afka / kiniin) iyo jimicsi ayaa loo baahan yahay.

Aad bay muhiim u tahay in aad loo barto sonkorowga inta aad awoodo. Meelaha ugu muhiimsan waa cuntada, daawada iyo dhaqdhaqaaqa. Barashada sonkorowgu waxay kaa caawimaysa helida xogta, xirfadda iyo isku filaanshaha aad u baahan tahay. Wax badan ood ka ogaato sonkorowga, si wanaagsan ayaad u xadidi doontaa.

Maxaa Keena Sonkorowga?

Qofna ma yaqaan waxa keena sonkorowga oo sax ah. Waxaanu ognahay in sonkorowga uusan ahayn cudur fudud. Waxaa jira sababo badan oo keena. Cilmi baarista waxaa lagu helay dhowr sababood oo qofka gelin kara khatar weyn si u qaado sonkorowga. Khatarahaas waxaa ka mid ah:

> Kolostrooka HDL oo le,eg ama ka yar 40 iyo/ama heerka triglyceride oo ka weyn 20 mg/dl
> Dhiig kar le,eg ama ka koreeya 140/90
> Taariikh qoys ee sonkorow (Dhaxal)
> Walaac iyo walwal (cudur, dhaawac)
> Fayrus (nooca I sonkorowga)
> Daawooyinka qaarkood (steroids)
> Dhibaato sistamkaaga difaaca (nooca I sonkorowga)
> Cimri (40 sano iyo ka kor)
> Aad u cayilan iyo/ama fadhiya
> Qabitaan sonkorow inta Uurka leedahay ama dhalid cunug ka culus 90lbs.
> Midabka (sonkorowgu wuxu ku badanyahay Madowga, Isbaanishka, iyo Maraykan dhaladka ah)

Ma Waxaa Jira Hal Nooc Kabadan oo Sonkorowga ah?

> Haa, waxaa jira noocyo badan oo sonkorowga ah:
> Nooca I Sonkorowga
> Nooca II Sonkorowga
> Sonkorowga Shinka Mellitus
> Liiska hoose waa qodobo ka mid ah noocyada ugu badan sonkorowga.
Nooca 1 Snkorowga
> Waxaa loogu yeeri jiray sonkorowga ku tiirsan insuliinka ama sonkorowga Dhallin yarada ee Mellitus
(JODM)
> Inta badan wuxuu ku dhacaa inta ka horaysa 30
> Ma samayn beeryartu insuliin
> Inta badan waa miisan yaryahay
> Laga helay 5-10% dadka qaba sonkorowga
Nooca 2 Sonkorowga
> Waxaa loo aqoon jiray sonkorowga Mellitus ee Dadka waaweyn (AODM)
> Inta badan wuxuu dhaca da,da 40 ka dib
> Xoogaa insuliin ah ayuu beeryartu samaysa
> Qofku inta badan miisan weynyahay
> Waa nooca ugu caansan sonkorowga. Waxaa laga hela 80-90% dadka sonkorowga qaba.
Sonkorwoga Shinka Mellitus (GDM)
> Wuxuu ku dhacaa haweenka Uurka
> Haweenka inta badan culus
> Heerka sonkorta caadi bay ku noqota inta badan marka cunuggu dhasho
> Khatarta in uu gudbo nooca sonkorowga II hadhow nolosha (khaasatan haddad culustahay
iyo/ama aad fadhido)
> Noocyada kale ee sonkorowga waxaa ku jira Dhaawaca Dulqaadka Sonkorta (IGT) iyo sonkorowga la socdaan xaalada ale.

Dhakhtarkaaga ayaa kuu sheegi doona nooca sonkorowga aad qabto.

Caruurtaydu Ma Ku Dhici Doonaa Sonkorowgu?

Inkasto sonkorowgu isu maro reeraha, waxaa jira fursad aad u yar in caruurtaadu Qaadan.
Fursadda caruurtu ku qaadi karto Nooca I ee sonkorowga waa:
2% haddii hooyadu qabto
6% haddii aabuhu qabo
5% haddii labada waalidba qabaan
Fursadda ay caruurtu ku qaadayso noca sonkorowga 2 waa 50% haddii hal ama 2 waalid qabaan. Aad bay caadi u tahay in nooca sonkorowga 2 uu reer isu maro. Sababtan darteed, reerkii leh taarikh sonkorowga nooca 2 waa inay yareeyaan isirrada khatarta ah.
Luminta culayska, haddii aad u culustahay, ayaa ugu muhiimsan.

Daawo ma leeyahay ?

> Ma laha daawo sonkorowga, laakiin waxaa lagu xakameyn karaa:
> Cunto qaadasho
> Jimicsi ama cayaar
> Daawo
> Dhakhtarkaaga iyo kooxda daryeelka caafimaadka ayaa kaa la shaqayn doona adiga iyo reerkaagaba si
aad u barato sida fiican loogu noolaado sonkorowga.
> Cilmi baarista sonkorowgu waxay u shaqaynaysa si loo helo daawo. Waxaa kaloo jira shaqo la qabtay oo
lagu soo saaray tallaal Nooca I sonkorowga.

> Waxaan kugu caawimi doona si aad wax badan uga barato sonkorowga. Weydiiso cashiro dheeraad ah
iyo dariiqado loo barto sonkorowga.

Waxaa idin soo diyaariyey: Dayib

Haddii aad qabto sonkorow sannado badan iyo haddii lagu yiri sonkorow ayaad hadda qabtaa, keligaa ma tihid. Inta u dhaxaysa 170-180 milyan oo qof ayaa qaba sonkorow dunida.

Xogta kore ayaa kaa caawimi doonta garashada sonkorowga iyo sida loogu noolaado horumar adigoo qaba.

Lasoco Ceelbaraf.net