Views: 2339
  Thursday January 01, 1970 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Madaxwaynihii hore ee soomaaliya... kursiga Madaxtinimada una guur Kursiga waxbarashada.

waxa lagu tiriyaa madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Hogaamiyaashii Afrika ee ogalaaday guuldarada Doorashada isagoo aaminsan Jiritaanka Dimuquraadiyadda, xili ay Qaaradda Afrika ay buux dhaafiyeen Hogaamiyayaal ama madax maamula Wadamadooda wax ka badan Cimrigooda mararka qaar.

Shiikh shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya waxa uu ka guuray kursigii Madaxtinimada wuxuuna u guuray dhinaca aqoonta oo uu doonayo (Master) inuu ku diyaariyo, Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu ku biiray todoba hogaamiye oo Afrikaan ah oo Madaxtinimadooda ka dib ka bilaabay waxbarasho jaamacadda Boston ee ku taala Mareykanka.

ka dib markii uu ogalaaday Sheekh Shariif guuldarada Doorashada, Xilkana isaga dagay waxa uu u Baqoolay Dalkaasi Maraykanka isaga oo raba inuu aqoontiisa kor u qaado, waana madaxwaynihii Xukunka kula wareegay Awoodda Hubka dabadeedna u babac dhigay Falaagooyinkii kasoo horjeeday, waxa uuna u diyaariyay Soomaaliya mar kale muddo 20 sano ah Xukun dhexe, Sida caalamku ay qireen laguna qoray Webka Al-carabiya.

waa Muuqaal aan horay looga baran Kuraasta Madaxtinimada ee Qaaradda Afrika, lkn Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed maaha madaxwaynaha kaliya ee ku biiraya barnaamijka la yiraahdo (Visiting president) Deegaan siinta Madaxda ee Machadka Cilmi Baarista Keydka Madaxwaynayaasha Qaaradda Afrika kaas oo ka tirsan Jaamacadda Boston.

waxaana horay ugu biiray Madaxwaynihii hore ee Zaambiya Kenneth Kaunda ka dib markii xilka madaxwaynanimada Dalkaas haayay muddo 30 sano ku dhawaad ah, sidoo kalena waxaa ku biiray barnaamijkaas madaxwaynaha Zanzibaar Amaanii Cabiid, iyado intaas sii dheertahay Madaxwaynaha Dalka Butuswaana Fitistaay Mugaaya.

waxaana lagu wadaa Barnaamijkan in ay usoo bandhigaan Hogaamiyaashii hore qayb ka mid ah Kalsoonida ka jirta Wadamadooda iyo in loogu deeqo Boos Caalami ah oo soo ifbaxaya, ujeedada laga leeyahay waxa ka mid ah in uu hanto Abaalmarinta Sanadlaha ah ee Afrika taasoo uu ku helayo 5 Malyan oo Dollark, abaalmarintaas oo la siiyo Madaxda Afrika ee Xilka si Nabad ah isaga dagay si Dimuquraadiyad ah.

Qaaradda Afrikana waxa ka jira midda Carabta oo kale taasoo Jiil dhan oo Hogaamiyaal ah ay kasoo horjeestaan in xilka ay isaga Degaan si nabad ah iyagoo waqti dheerna ku negaada xukunka.

waxa ayna u arkaan dadka ku Jira Barnaamijka Deegaan-siinta Madaxda ee Jaamacadda Boston in uu xal soo jiidasho ah u yahay sidii loogu qancin lahaa Madax badan oo xilka si kaligii taliya ah u haysta una ogalaan lahaayeen Dimuquraadiyadda.

Wixii Dheeraad Ah Halkaan Kafiirso

http://www.alarabiya.net/articles/2013/01/16/260703.html