Cadaaladda Dowladdu iyo Dhamaadka Colaadda Qabiilka. (Falanqeyntii Sh.Cali Wajiis).?
Waxaa nasiib wanaag ah in xiligaan oo caalamka colaado iyo kacdoonno baahsan ey ka
jiraan in soomaaliya ey cagta saarto wadadii nabadda iyo horumarka hase yeeshee
waxaa jira caqabado dhowr ah oo ey ugu weyntahay fahamka dadka qaar ey ka
qabaan qaabka dowladnimada amaba dowlad qaran lagu dhisi karo.Haddii aan
falanqeyno aragtiyada kala duwan ee dadku ey ka qabaan qaabka dowladnimo
waxaa lagusoo koobi karaa 3-aragtiyadood oo kala ah:-
1- In wadanka loo qeybiyo dowlad gobaleedyo gaaraaya ilaa 7 dowlad gobaleed
oo awoodo badan oo ey caasimado u yihiin magaalooyinka waaweyn sidi
hargeysa,garoowe, bartamaha,hiiraan,banaadir,baydhabo.iyo kismaanyo.
dowladahaas oo ka dhismaaya qabaa,ilka dega deegaanadaas iyagoo
dooranaaya baarlamaan,madaxweyne iyo gola wasiiro kidibna dowladahaas
ayaa ku heshiinaaya iney dhistaan dowlad qaran oo ka dhexeysa oo aan wax
awooda leheyn blsa ah magac u yaal maadaama awoodu gacanta ugu jirto
dowlad gobaleedyada.
2- In dowladda dhexe la xoojiyo dalkana iyadu ey la wareegto gobolkastana
ey maamul iyadu u sameyso markaas kidibna nadaamka federaalka la
dhameestiro shuruucdiisa kidibna goboladii iyagu doonaaya ey maamul
wada sameestaan laakin awooda ciidan iyo tan dhaqaale ey ku jirto
gacanta dowladda dhexe, halka goboladuna yeelanaayaan ugu
danbeynta maamullo dadku soo doortaan oo iyagu maamula arimaha
dowladda hoose ee heer gobol.
3- In dowladdu ey amniga ku baahiso dhamaan gobolada dalka marka
laga reebo maamulgoboleedyada horay u dhisnaay sida maamulada
buntiland iyo somaliland dhamaan gobolada kale in dowladda dhexe ey
amaankooda gacanta ku dhigto kidibna ey shirara u abaabusho dadka
deeganadaas degan kadibna ey doortaan maamul heer gobol ah oo
awoodo badan leh laakin hoosyimaada dowladda dhexe oo sharcigu
uu kala qeexaayo awoodaha ey ku wada shaqeynaayaan iyo sida
hantida qaran loo qeybsanaayo taasoo siineysa 2-da dhinac waa
maamulada gobolada iyo dowladee awoodo isu dheeli tiran.Hadaba
sidee loo mideyn karaa afkaartaas kala duwan?Runtii si looga jawaabo
su,aashaas waxaa lagama maarmaan ah in aan tilmaano in ey jiraan arimo
dhowr ah oo soomaalidu isku raacsantahay waxaana kamid ah:-
In dalku uu aad u balaaranyahay dadka oo dhanna uu ku filanyahay
kheyraadkuna uu wada ceegaago oo cidwalba ey jeceshahay iney
deegaankeeda horumar deg dega gaarsiiso.
In shacabka soomaaliyeed uu isku raacsanyahay in gobolwalba asagu
uu ismaamulo awood sharciyana uu u yeesho in dadkiisu ey ka shaqeestaana
horumarin deg degana u sameestaan iyagoo la kaashanaaya
dowladda dhexe.-- In wadanku u baahanyahay dowlad dhexe oo awood leh
oo wadanka xuduudihiisa ilaalisa wixii khatar ah oo lasoo gudbana ka
hortagta goboladaasna kala hagta oo ka ilalaisa in gobol gobalkale ku
xad gudbo.Haddaba mar hadii intaas leesku wada raacsanyahay waxaa
iska cad in aragtida 3-aad ey ugu saxantahya 3-da aragtiyadood oo tan
horana ey wadanka gelineyso khatar dowlad la,aaneed iyo khilaafaad iyo
colaado aan dhamaad leheyn maadaama eysan jirin dowlad dhexe oo
awood leh balsa taas bedelkeeda ey jiraan dowlado tira badan oo
hadana aan is hoos imaan oo ey dhiciba karto ineyba iyagu 22 sano
oo dagaal ah dib wadanka uga bilaabaan.
Halka fikrada 2-aadna ey tahay mid dadka xasuusineysa nadaamkii
kalitaliskii hore oo umaddu marnaba eysan isku amaini karin xukuumad
danbe oo iyadu maamulada dalka iskasoo magacawda iyadoo wax
talagelin ah aan kala sameyneyn dadka deegaanka.
Haddaba tan ugu wanaagsanu waa in lahelo dowlad dhexe oo awood
leh iyo maamul goboleedyo iyagu is doorta oo awood heer goboleed
ah leh loona sameeyo shuruucdii kala hagi leheed 2-da dhinac.Haddaba
si taas loogu guuleesto waxaa lagama maarmaan ah in dowladdu ku
tilaabsato arimaha soo socda.
A-In dowladda dhexe ey qaadato mowqif cad oo ah in ey iyadoo
kaashaneysa xildhibaanada qaranka ugu jira gobalkasta iney shirar
waaweyn u qabato dadka wada dega gobolada dalka iyadoo wakhti
fiican la siinaayo dadka si ey ugasoo qeyb galaan gurbajoogta iyo
aqoonyahanka u dhashay goboladaas lagana ilaaliyo in dad dano
gaar ah wataahu ey afduubaan shirar iyagu ey doonaayaan iney
sharciyad been been ah ku sameestaan taasoo ah nooc kamid ah
jabhadeyntii laga xajiyay oo wadankaan gaarsiisay halaaga.
B- In xukuumadu ku tilaabsato dhismo kaabayaal dhaqaale sidi
dekado casriya oo laga dhiso magaala xeebeedyada dekadaha
macmalkaa leh sida Berbera,Laasqoray,Boosaaso,Garacad,
Hobyo,Mareeg,
Cadale,Ceelmacaan,Marka,Baraawe,Kiamaanyo.Waxaa shaki
la,aan ah haddii dekadahaas la horamariyo oo laga dhiso dekado
la adeegsan karo oo casriya in cidkasta ey deegaankeeda iyo
dekadeeda ey ka faa,iideysaneyso gobolwalbana uu lugihiisa
isku taagaayo,si loo xakameeyo kusoo aruurka caasimada
muqdisho oo bilaabatay xiligii dowladdii hore ee faashilka
eheed taasoo ku qasabtay dadka iney caasimada kusoo
aruuraan.Hadaba dowladda soomaaliyeed iyo jaaliyaadka
dibad jooga ah ayaa laga doonaayaa iney u howl galaan
dhismaha dekadahaas iyo wado casriya oo isku xirta dhamaan
dhuL xeebeedka soomaaliya iyo dekadahaas oo dhan.
Gebagebadii waxaa maalmahaan soo ifbaxaaya in dadka
qaarkood ey la deg degaayaan dhismo maamul goboleedyo
aan weli aad loogatashan dadkii deegaanadaasna aan
weli si dhab ah aan shirar loogu
qaban balsa sidii jabhadihii shakhsiyaad gaara ey ku dadaalaayan
iney iyagu shirarkaas ey isugu keenaan dad ey isku hubaan iney
dooranaayaan taasoo dibu dhac ku keeneysa dhismaha
maamulada dadkana sii kala fogeyneysa taasna waxaa u sabab
ah mowqifka dowladda ee ku aadan dhismaha
maamul goboleedyada oo weli cadeyn.
Haddaba waxaa lagama amarmaan ah in dowladda soomaaliya
ey arintaas wax cad ka qabato deegaanada gacanta
dowladda dib ugusoo laabtayna inta ey isku mashquulineyso
magacaabid gudoomiyayaal iney dar adr geliyaan
qabshada shirar dadka wax garadkaa ee deegaanadaas
kasoo jeeda leesugu keenaayo iyadoo dowladdu shirka
gerwadeen ka tahay si ey ugu doortaan cida ey iyagu rabaan.Ilaahey
dadkeena ha waafajiyo towfiiqda hana tuso walaalnimada
ka dhexeysa si ey u midoobaan aamiin.
Walaal wixii tusaala ah kusoo dir caliwajiis@hotmail.com
amaba telka ah00966564710343 KSA.
Lasoco Ceelbaraf.net