,Dalka
Soomaliya waxaa uu ku yaalaa geeska Afrika, wuxuuna ku fadhiyaa dhul
baaxadiisu dhantahay 635.541 km2, Soomaaliya waxay leedahay xeebta
labaad ee qaaradda Afrika ugu dheer oo dhirirkeedu yahay 3.330 km, iyo
laba (2) Wabi oo dhaadheer lana kala yiraah Juba iyo Shabelle.
Soomaaliya
waxay hodan ku tahay xoolaha nool sida Geela, Lo,da, Ariga, Fardaha
iwm, dhul beereed ku fiican dhammaan dalagyada kala duwan iyo khudaarta
aadka looga jecelyahay adduunka oo dhan, gaar ahaan wadamada Khaliijka
iyo Talyaaniga (Italy) sida Muuska, Cambaha, Babeyga, Liimo
Banbeelmada, Liimo Dhanaanta ,iwm.
Soomaaliya waxay leedahay
Hawada amba Cimilada ugu fiican adduunka oo dhan, sida ay iskuwada
raaceen khubarada ka faloota cimilooyinka adduunka (Soomaaliya has the
best climate in the world and unique weather), tirada dadka Soomaaliyeed
waxaa lagu qiyaasaa 10,000,000 ilaa 12,000, 000 oo qof, misana 100%
waa muslim, isku af ah, 45% waa dad ah reer baadiyo, 35% waa dad ah
reer magaal oo u badan soo galooti cusub, 15% waa dad ah beeraley oo u
baahan dhiirigelin ha'adaha bixiya deeqaha dhirigelinta, iyo 5% waa
kaluumeysato aanan haysan qalabka casriga ah balse soo saara in ku filan
gudaha dalka.
Dhinaca kale, sida laga soo xigtay shirkadaha
ugu caansan adduunka ee soo saara shidaalka iyo macdanta iwm waxa u
xaqiijiyeen, in uu Somaliya meela badan oo ka mid ah uu ka ceegaaga
kheyraadka dabeciga ah (Resource) iyagoo ku ogaaday sahmin ay ku
sameeyeen dhulka Soomaaliya sanooyinkii 1960 ilaa 1970, waxayna
caddeeyeen kheyraadka ku jira dhulka Soomaaliya inuu ka badan yahay kan
ku jira wadamada Khalijka.
Soomaaliya waa wadan barwaaqo ah
dhinac kastaba sida beeraha, xoolaha nool, Wabiyo, bad iyo cimilo fiican
(Prosperity country), laakiin waxay maskaxdaada su'aal adag ku soo deg
deg-taa markay dhegahaagu maqlaan boqolal muwaadiniin Soomaali ah ayaa
iyagoo ka tahriibaaya wadankooda hooyo dooman kula qallibmeen badaha
adduunka, intaas ayaa meydadkoodkii la heley intaasna weli
meyddadkoodii waa la layahay, intaas oo boqol muwaadiniin Soomaali ah
ayaa ku xiran xabsiyada Libiya, muwaadinin badan ayaa lagu dilay amba
lagu boobey hintidoodii South Africa, Haween badan ayaa lagu kufsaday
xarooyinka qaxootiga ee wadanka Kenya ku yaal, Khowleysato Yemeniyiin u
badan ayaa Tahriibayaal Soomaali ah ka afduubtay xuduudka u dhexeeya
Yemen iyo Sacuudi Carabiya.iwm.
Sababta ay muwaadiniinta
Soomaaliyeed uga tahriibayaan wadankooda duceysan, waxaa ugu weyn
colaadaha aanan dhammaadka laheyn ee soo tixnaay ilaa sanadkii 1991dii,
runtii rajo fiican ayaa bilaabatay markii bishii Septemter 2012kii ay
Soomaliya ka dhalatay dowlad rasmi ah oo looga baxay dowladdii KMG
ahayd, inkastoo dowladihii hore ee KMG ahaay ay soo qabteen shaqooyin
aad u ad'adkey sida wiiqitiinkii kooxihii nabad-diidka ahaay.
Waxaa
rajada Soomaaliya sii fiicnaatay, markii bartamihii bishii January
2013, uu wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha dowlada federaalka
Soomaaliya mudane Hassan Sheikh Mohamoud uu booqasho ku yimid Washington
DC, dabadeedna uu la kulmay xoghayihii hore ee Arrimaha dibada ee
dowlada Mareykanka Hillary Clinton iyo madaxweynaha Mareykanka
President Barack Obama, iyadoo dowlada Mareykanku ay dowlada Soomaliya
siisay Aqoonsi rasmi ah " Official Recognition by USA".
Madaxweynaha
Soomaaliya iyo wafdigiisii, markii ay dhameysteen booqashadii ay ku
joogeen Washington DC, waxay tageen gobalka ay jaaliyada Soomalidu ku
badan tahay ee Minnesota, waxaana madaxweynaha iyo waftigiisaba si
diiran oo xamaasadi ku dhehneyd loogu soo dhoweeyey xarunta weyn ee
convention Center of Minneapolis, inkastoo guddigii qaban-qaabada
xafladaas uu lahay dhaliilo fara badan, dhaliilahaas oo aanan horey uga
dhici jirin Minnesota, laakin nasiib wanaag waxaa ka soo
qeyb-galayaashii kulankaas oo tiradoodu kor u dhaafaysay 5 kun, ayaa
waxaa aad & aad u qancisay khudbad dheeraad oo meelo badan
taabaneysey oo uu madaxweyne mudane Hassan Sh. Mohamoud uu jeediyay
habeenkaas, runtii khudbaddii uu habeenkaas madaxweyne Hassan Sheikh u
jeediyay heer Minnesota aad ayay u soo dhoweeyeen, marka laga reebo "
haleyska ilaabo wixii dhacey 1991kii, haddii kale waxaa idin dhaafaysa
berrito", hadalkaas su'aasha ka dhalatay waxay ahay madaxweynuhu " ma
wuxuu ula jeedaa haleyska ilaabo wixii dhintay?, mise wuxuu ula
jeedaa haleyska ilaabo hantidii ma guurtada aheyd ee lakala dhacey
1991kii sida guryo, beero iyo dhul bannan iwm?".
Dhinaca kale
waxaan wax wanaagsan. soo kor-dhindoonin jaaliyadaha Soomaaliyeed qaar
ka mid ah oo muddooyinkaan danbe waqooyiga Ameerika, gaar ahaan
magaalada Toronto ee wadanka Canada ku qabanaaya shirarka ku saleysan
cadiifado-qabiil, iyagoo ku andacoonaaya amba ku cacalcalaaya 1991kii,
anagoo ah heer hebel ayaa wxaa na xasuuqey heer hebal, waa
nasiib-darro, meeshii waayo aragnimo looga kororsan lahay qaladadkii
horey u dhacey, in 22 sano ka dib lala shir yimaado, anagoo ah heer
hebel ayaa 1991kii ayaa heer hebel na xasuuqeena waa inaynu maanta ka
tashanaa.
Xaqiiqadu waxay tahay, dagaalkii 1991kii ee xukuumadii
Militariga aheyd xukunkii looga tuuray, waxaa ka danbeeyey dagaalo
kaloo fara badnaay oo loo dagaalamey heer hebel iyo heer hebel, beel
beel iyo jufo jufo waxaanna laga xusi karaayaa kuwa hoos ka muqda:
1)
Dagaalkii ay kala hoggaaminaayeen al marxuum Ex-Gen. Moh'ed Farah
Ceydiid iyo M/W Ali Mahdi Mohamed waxay isku ahaayeen hal beel.
2)
Dagaalkii ay kala hoggaaminaayeen al marxuum M/W Ex- Korneyl Abdullahi
Yusuf Ahmed iyo Korneyl Jama Ali Jama waxay ahaayeen isku beel.
3) Dagaalkii ay kala hoggaaminaayeen Korneyl Mohamed Nur Shaatiguduud iyo Mohamed Ibraahim Xaabsade waxayna ahaayeen isku beel.
4) Dagaalkii ay kala hoggaaminaayeen Cismaan Cali Caato iyo al marxuum Ex- Korneyl Cumar Haashi waxay ahaayeen isku beel.
5) Dagaalkii ay kala hoggaaminaayeen Gen. Mohamed Saciid Hersi ( Morgan) iyo Korneyl Barre Hiiraale waxayna isku ahaayeen beel.
6) Dagaalkii ay kala hoggaaminaayeen al marxuum Gen. Mohamed F. Ceydiid iyo Mohamed Qanyare Afrax waxay ahaayeen isku beel.
7) Dagaalkii ay kala hoggaaminaayeen al marxuum Gen. Mohamed F. Ceydiid iyo Cismaan Cali Caato waxay ahaayeen isku jufo.
8) Dagaalkii ay kala hoggaaminaayeen Bashiir Raage Shiirar iyo Xaji Abuker Cumar Caddaan waxay ahaayeen isku jufo
9) Heer waqooyi waa kuwa isu haysta maamulka Soomaliland iyo Khaatumo State.
10) Maamulka madaxweyne Faroole iyo mucaaradka ka soo hor-jeeda maamulkiisa waa kuwa isku haysta beel.
Dantu
kuma jirto, in 22 sano ka dib lagu calaacalo anigoo ah heer hebel ayaa
sanad hebel nala xasuuqey, ee dantu waxay ku jirtaa ayadoo lawada doono
xal guud, in fursad taxadir leh la siiyo dowlada hadda jirta maadaama
ay haysato kalsoonida beesha caalamka, in la doono dib u wada
noolaashadii Soomalinimo iyo ka qoomameyn dhibaatooyinkii horey ugu
dhacey muwaadiniinta Soomaaliyeed, maadaama aysan cidna ka macaashin,
qasaaro mooyee.
Dalkeynu wuu duceysan yahay ee ma dadkiisaa
inkaaran?, sow dhibaato nooguma filna 22tan sano oo lagu soo jiray qax,
qaxootinimo, tahriibnimo, iyo niman aanan geyin inay kufsadaan
dumarkeyna qaaliga ahaay ee boqol (100) Geela ah laga bixin jiray
guursigooda?, waa su'aal furan:-
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
xilqaad12@hotmail.com
Naadiga La socodka Arrimaha Soomaliya.Lasoco Ceelbaraf.net