,
Waxaa maalintii jimcaha casirkii asagoo salaad u taagan dhagarqabayaashii cadawga islaamka iyo umaddu ey dileen sheekhii dacwada islaamka odayaasheeda kamid ahaay walaalkeen sh C/qaadir nuur faarax janadii firdowsa allaha geliyee haddaba dilkaas sheekha oo aan eheyn mid la yaab dhalinaaya marka loo fiiriyo dilalakii ey horay u sameeyeen khwaarijtu oo ey dileen Dr axmad xaaji C/raxmaan iyo culuma badan iyo muslimiin aan tira leheyn oo masaajida albaabadooda iyo dhexdooda lagu leynaayay 4-sano ee ey wadanka fowdada ka wadeen khawaarijtu haddaba sideeba alooga hortegi karaa maxaasa umada la gudboon?.

1- Sidaan qoraalo iyo muxaadaraad badan aan horay ugu sheegnay caqiidada khawaarijtu waa caqiido qadiimi ah waxaana islaamka iyo muslimiinta lagu imtixaanay xiligii khulafaa,u raashidiinta oo ey 2-kamid ah dileen waa seyd Cuthmaan binu cafaan allaha ka raali noqdee oo ey kacdoon been ah oo wax sixid ey marmarsiimo uga soo dhigteen ey ku khaarajiyeen iyo tii seyd Cali ibnu abii daalib allaha ka raali noqdee oo ey salaadda sidaanoo kale si kedisa ugu dileen laakin taasu wexey dhalisay markii la ogaaday ineysan cidna dhaafeyn in muslimiinta oo ey dowladdu horkeceyso ey gacan bira ku qabato lagana cirib tiro dhulweynaha islaamka.
2-In culumadu ey kasoo saarto Fatwo Sharciya oo caddeyneysa iney khawaarij yihiin eyna waajibtahay in la laayo meelkasta oo lagu arkana lagu dilo sida nabigu CSW uu ku caddeyaay axaadiith saxiixa hadeysan kasoo laaban fikirka gaaleysiinta iyo baneysashada dilka muslimiinta.
3- In shacabka soomaaliyeed uu joojiyo qarinta ey qarinaayaan oo cidwalba ey soo gaarsiiso dowladda iyo mas,uuliyiinta iyo culumada qofka aaminsan fikirka khawaarijnimada si loogu caqli celiyo hadow diidana umadda looga qabto, waana in umaddu ogaataa in cidii qarisa nimankaas ey la qeybsaneyso dinbiga weyn ee ey markasta ku jiraan oo ah dilidda dadka muslimkaa ee dhiigooda ey baneesteen oo ah denbi gaalnimo ah maadaama la baneestay ogow oo denbigu asaal ahaan waa kabiiro oo markii ey somalidu is dileysay woxow ahaay kbiiro waayoo ma baneysaneyn laakin hadda maadaama ey aaminsanyihiin in dhiiga muslimka ilaahey loogu dhawaanaayo waa gaalnimo culumada islaamkuna wey isku raacsantahay.
4- In dowladdu maaxkamad sharciya oo diinta islamka ku saleysan ey ku qaadaa kii lagusoo qabto asagoo falalkaas ku dhexjira waayoo hadii kuwii hore la marsiin lahaay ciqaabtooda wexey cibra u ahaan lahaayeen kuwa danbe laakin xabsiyo weliba si musuq maasuqa loogasii daayo iyo qaraabeysi ayaa keentay in cidna eysan ka baqin iney kasii tirsanaato maadaama eysan u arag wax khtara iney uga imaaneyso kamid ahaanshohooda.
5- Waa in dowladdu abaabushaa qabaa,ilka si looga dhiso deegaanada ey weli ku suganyihiin ciidamo deegaan oo ilaaliya amaanka deegaankooda kana sifeeya khawaarijta lana bedelaa siyaasadda amaan ee madhashada ah ee hadda lagu socdo oo ah in dadkiiba eysan wax kaalin ah eysan ku leheyn amaankooda balsa ciidamo ashaamud ah oo aan deegaanadiiba garaneyn ey laamiyada ku boola xoofteeyaan tuulooyinkiina ey shabaabkii weli ka talinaayaan taasoo ah siyaasad faashila oo keeneysa in amaanku weligiis uu ahaado mid aan sal ku taagneyn shabaabna weligood ey dadka ku dhexjiraan.
6-Waa in gobolkastaahu uu dejiyaa khariidad uu asagu amaankiisa ku suganaayo asagoo qoranaaya ciidamo heer gobol ah oo sharciya laguna xulay dhaqan wanaagooda iyo ineysan leheyn wax balwad ah si ey tuula kasta iyo degma kasta ey ula wareegan amaankeeda dowladuna waa iney arinkaas fasaxdaa oo ey amaanka markazigaa ee caasimadda wax walba loolasoo cararaayo laga xureeyaa siyaasadda amaanka gobolada iyadoo laga tusaala qaadanaayo siyaasaddii saxawaatka reer ciraaq oo soo dedejisay jabkii khawaarijta markey ku fashilantay xukuumadii maaliki oo ku socajirtay jidka hadda ey ku socoto xukuumada somaliya oo ah in waxkasta taliska guud loolasoo noqdo oo meesha ka saartay kaalintii deegaanada taasoo markii danbe cadaatay ineysan amaan keeni karin keentayna in dadkii gobolada iyo qabaa,ilkii la abaabulo khawaarijna sidaas loo jebiyo.
Haddaba walaalayaal in umadda laga wareejiyo isbaarada khawaarijtu wexey u baahantahay siyaasad cad oo dowladdu ka qaadato amaanka qaranka oon ku dhisneyn dhalanteed iyo khiyaal iyo in shacabka soomaaliyeed ey dhamaantood u guntadaan ka qeyb qaadashada arinkaas iyo in la joojiyo qarinta iyo ku hagoogashada khawaarijta iyo in culumadu ey ka baxdaa aamuska gurucan ee ey ku jirtay inta shacabka la gumaadaayay oo hadda iyaga lasoo gaaray xiligii gumaadka ey arki lahaayeen taasoo waajib uga dhigeysa iney fatwa sharciya kasoo saaraan ku jihaadka khawaarijta sidey saxaabadiiba ugasoo saareen iyo in deegaanada la abaabulo dowladduna ey joojiso magaalooyinka waaweyn iyo laamiyada lagu boola xoofteynaayo balsa loo guntado in tuula kasta dadka joga la abaabulo oo lagu dhiiri geliyo iney tuuladooda qabsadaan dowladuna nadaam u sameyso waana in tusaale noo noqotaa waxa ka taagan shabeelooyinka oo weli la joogo magaalooyinka halka deegaanki intiisa badan ey weli gacanta ugu jirto shabaab.
Ilaahey waxaan ka baryeynaa inow wadankeena ka dahiro takfiir iyo cilmaaniba wadankana nooga oogo dowlad islaama oo sharciga ale ku fulisa dalka aamin.
Walaal wixii aad is leedahay wa alaga tegay kusoo dir fadlan
caliwajiis@hotmail.com amaba telka ah 00966564710343 KSA.
Lasoco Ceelbaraf.net