1. QAADKU MUXUU KA SAMEYSANYAHAY?Qaad
ama jaad waa geed balwad ahaan loo isticmaalo, kana baxa wadamada
Kenya, Ethiopia iyo Yemen. Cilmi baaris lagu sameeyay qaadka ayaa
cadaysay in qaadka ay ku jiraan maadooyin maanka dooriya oo ku abtirsada
maadada loo yaqaano amphetamine-ka kuwaas oo ay ka mid yihiin cathine
cathinone iyo ephedrine.
-CATHINE
waa maadadii ugu horaysay ee laga helay qaadka 1930kii. Waxaa la mooday
inay tahay maadada ugu qatarsan ee markaas qaadka ku jirtay.
-CATHINONE waa maadadii labaad ee laga helay qaadka 1975kii. Waana maadada keenta marqaanka.
Cathinone
waxa ay isku badashaa cathine marka ey la kulanto hawo (oxygen), ilays
(sun light) ama biyo, waana sababta keenta inay qaadwadayaashu ku
duuduubaan caleemaha iyo juwaanada.
-AMPHETAMINE waxa ay aad
ushabahdaa labada maado ee aan kor kusoo sheegnay, waxaa markii hore loo
isicmaali jiray in lagu daweeyo cudurka Narcolepsy (cudur la xariira
hurdo joogto ah ama hurdoosho), wal walk iyo walaaca, balse hada
isticmaalkeda la mamnuucay in dhaqtar qoro maahanee.
2. QAADKA MUXUU DHIBAATO LEEYAHAY?
A).
Marqaan (euphoria) qofka oo dareema farax iyo ranrayn. Marka hore
kadibna daal iyo caajis ama qaadiro, indhaha (pupil-ka) oo waynaada, wis
wis ama shaki joogto ah (paranoid).
B). Ku mamid ama la qabsi (addiction) iyo ka maarmid la'aan.
C).
Wal wal iyo walaac (depression) , khiyaali ama dubaab (hallucination)
qof ka oo wax is moodsiiya ama soo jeedka ku riyooda oo arka wax aysan
dadka la jooga arkeynin.
D)
Sababidda dheecaano ay soo daayaan qanjirada ku yaala kilyaha korkooda
(adrenal gland),oo loo yaqaano epinephrine iyo norepinephrine kuwaas oo
kiciya shaqada maskaxda (brain) iyo xangulaha (spinal cord), waxa ay
kicyaan dhiiga jirka(blood pressure), waxa ay siyaadiyaan gaaraca
wadnaha taas oo sababi karta wadne xanuun, waxa ay siyaadiyaan
xinjiroowga dhiiga taas oo sababi karta inay xididada dhiiga xirmaan
sida kuwa wadnaha taasoo keeni karta cudurka wadna qabadka (myocardial
infarction) ama dhiig ku furta maskaxda (stroke).
E)
Dhibaatooyin dhanka dheefshiidka sida dhaawac uu gaarsiiyo ciridka,
ilkaha, faruuryaha, hunguriga caloosha iyo kansar (cancer) ku dhaca
xubnahan, taas oo ay sababtay maadada la yiraahdo Tannic acid ee qaadka
ku jirta. Sidoo kale qaadku wuxuu sababaa nuugista cuntada ee xiidmaha
(absorption) oo yaraada sababtana nafaqo daro, cuntada oo xiranta
(anorexia), miisaanka oo hoos u dhaca, caloosha oo fariisata
(constipation).
F).
Dhibaatooyin dhanka raganimada; qofka daa,ima cunista qaadka waxa uu ku
keenaa raganimada oo yaraata, shahwada oo kaadida raacda iyo ninka oo
dumarka ka hijrooda.
3. QAADKU DAROOGU MIYAA?
Hadaba
waxaa nasiib darro ah in WHO ay u aqoonsato maadooyinka ku jira qaadka
in ey yihiin daroogooyin-ka caalamka safka hore uga jira sida cocaine-ta
misne dadka soomaaliduna ey kamid noqdaan dadka ugu cunista badan uguna
aqoonta yar qaadka.
W/Q: Ibrahim Ahmed Abdulle
Waaxda gargaarka bini,aadanimada ee dalada dhakhaatiirta jiilka cusub.
XIGASHO: boga dalada dhakhaatiirta jiilka cusub ey ku leedahay facebook ee:
http://www.facebook.com/jiilkacusub
Lasoco Ceelbaraf.net