ismillaah, sanadkiiba 5 milyan oo qof ayaa u geeriyoota sigaar cabida, waa qiyaas ku dhisan daraasad ey sameysay WHO, ilaa 25 cudur oo waaweyn ayaa loo aaneeyaa sigaarka, sidoo kale jirrooyin kale oo fara badan ayuu sigaarku kaalin weyn ka qaataa sababidooda iyo uga daridooda, sidaa darteed waxa aan ka hadleyno waa cadaw weyn oo ilaahey ku saliday insaanka, mudanne in aan wax badan ka ogaano.Hadaba
inta aanan guda galin cudurada uu sababo sigaarka, waxaan jeclaan lahaa
in aan yara isdul taago sigaarka waxa uu yahay, iyo sida uu u sababi
karo dhibaatooyin ku yimaada jirka bini`aadamka. Sigaarka wuxuu ka
sameysanyahay qiyaastii afar kun (4000) oo maadooyin kiimiko ah,
maadooyinkaas waxaa ka mid ah boqolaal sababi kara cuduro ku dhaca jirka
sida kansar, cudurada wadnaha, xididaha, sambabaha iyo xubnaha kale ee
jirka, maadooyinkaas waxaa kamid ah:
1.
Nikotiin (nicotine): waa maadada keenta in qofku sigaarka caadeesto
islamarkaane u diideyso in uu ka haro, waxey marka hore saameysaa
qeybaha kala duwan ee maskaxda, qofku wuxuu dareemayaa firfircooni iyo
qanacsanaan, taasne waxey keentaa in maskaxdu la qabsato oo qofku markuu
sigaar waayo uu dareemo caajis iyo niya jab, waana sababta ey qofka ugu
adagtahay in uu dhaafo sigaarka mar hadii uu u barto
dhanka kale
nicotine muxuu jirka kale ku sameeyaa?
A)
Nicotine wuxuu sababaa in uu kor ukoco heerka kolistrolka dhiiga
(cholesterol) oo ah nuuc kamid ah dufanta, taane xaaladaha ugu adag ee
ka dhasha waxaa kamid ah in dufantu ey adkeyso xididada dhiiga sida ey
iskugu dul fuul-fuuleyso, islamarkaane sababto in xididadu yaraadaan ama
ey xirmaan, waana waxa ugu badan ee sababa dhimashada aduunka, sida in
ey xirmaan xididaha waraabiyo wadnaha (atherosclerosis of coronary
arteries), mana ahan cholesterol kaliyah waxa sababa xidid xiranka ee
sidoo kale nicotine wuxuu sababaa in unugyada xididada gudaha ka daboola
(endothelial cells) ey iska bataan oo ey xiraan xididka, xaaladahaasne
waxey sababaan jirrooyinka wadnaha ee halista ah sida wadnaha oo
istaaga. Sidoo kale xubnaha ugu badan ee dhiig xirku saameeyo waxaa
kamid ah maskaxda iyo kilyaha.
B)
Sidoo kale nicotine wuxuu sababaa in uu kor u koco heer karka dhiiga
islamarkaane wuxuu sababaa in wixi sokor keyd ku ahaa gudaha unugyada
lagusoo shubo dhiiga, taane waxey keentaa in qofku uusan dareemin baahi
oo ey yaraato wax cunidiisa, waana sababta ey caato u yihiin inta badan
dadka sigaarka caba.
2. Sidoo kale sigaarka waxaa ku jiro ugu yaraan
80 maado oo sababi karta kansar (cancer) sida maadada loo yaqaana TAR
iyo kuwo kale, maadooyinkan waxey la falgalayaan unugyada jirka waxeyna
sababayaan in uu khaldamo hab abuurka iyo hab shaqeynta jiinyada (genes)
laga maamulo unuga shaqadiisa iyo qeybsamidiisaba (mutation), taasoo
keeneysa in unugyadu u bataan hab ka baxsan kana badan sidi loogu
talagalay taas oo keenta waxa loo yaqaano kansarka.3. Sidoo kale sigaarka waxaa ku jiro maadooyin kale oo hab kale u sumeyn kara jirka.
HADABA WAA MAXAAY CUDURADA UU SABABO SIGAARKU?
1.
CUDURADA WADNAHA: diraasooyin la sameeyay ayaa waxey qeexayaan in qofka
sigaarka caba 80% uga badan yahay halista cudurada wadnaha qofka aanan
cabin sigaarka. Sidoo kale diraasad kale ayaa waxey qeexeysaa in qofka
sigaarka caba 50% ey u badantahay in waxa dili doono ey noqon doonaan
jirrooyin la xiriira sigaarka. Habka sigaarku u sababo cudurada wadnaha
waxaan ugasoo hadalnay kor marki aan ka hadleynay nicotine.
2.
KANSAR (CANCER): boqolkiiba sagaashan (90%) Waxa sababa kansarka
sanbabaha oo ah kansarka ugu badan dunida waa sigaarka, kansarka
sanbabaha waa dilaa waana adagtahay in la maareeyo, dadka ugu badan ee
uu ku dhoco kansarka sambabaha waa sigaar cabayaasha. Sidoo kale
kansarka afka, kan dhuunta, hunguriga, kilyaha, baaryaraha, caloosha iyo
kuwo kalaba waa uu sababaa sigaarku.
3.
CUDURADA KALE EE SANBABAHA: boqolkiiba sideetan (80%) cudurada keena in
neef mareenku xirmo ama ciriiri noqdo ee leesku yiraahdo COPD (chronic
obstructive pulmonary disease) sida neefta (asthma), borokiitada
(bronchitis) iyo sanbaba bararka (emphysema) waxaa sababo sigaarka,
waana sababta keenta in dadka sigaarka cabo eyna ka reysanin qunfac iyo
xaako.
4. KILYAHA: marka lagasoo tago halista sigaarka ee kansarka
kilyaha, sidoo kale sigaarku wuxuu dhaawici karaa kilyaha, asagoo keeni
karo kilyo fashil iyo dhiig kar.
5.
INFECTIONS: sigaarku wuxuu jirka u sahlaa in ey ku dhacaan infakshino
(infections) kala duwan gaar ahaa kuwa sambabaha sida qaaxada (TB).
6. TARANKA: raga ey ku dhacdo tabar darada dhanka dareenka (impotence) 85% waa sigaar cabayaasha.
7.
DHALMO LA,AANTA HAWEENKA: sigaarka wuxuu saameyn ku leeyahay xubinta
soo deyso ugxaanta taranka haweenka, wuxuuna ka hortagaa soo deynta
hormono muhiim u ah, sidaa darteed haweenka sigaarka cabo waxey halis
ugu jiraan madhalanimo.
8.
DHANKA MASKAXDA: in kasto oo sigaar cabayaasho ey ku doodaan in
sigaarku maskaxda u dajiyo, waxaa la ogaaday in walwalka iyo stress-ku
ku badanyahay dadka sigaarka caba.
Hadaba sigaarka waa middi uu
isku gowracayo qofka cabaya, sidaa darteed qofku waa in uu iska gooyaa
cabidiisa, inta uusan qabriga dhigin.
Wabillaahi towfiiq
W/Q: Dr. Axmed Xalaal
Waaxda horomarinta caafimaadkadalada dhakhaatiirta jiilka cusub.
XIGASHO: boga dalada dhakhaatiirta jiilka cusub ey ku leedahay facebook ee:
http://www.facebook.com/jiilkacusub
Lasoco Ceelbaraf.net