Horta yaa la sugayaa? Soomaalidu maw diyaargarowdey inay is turxaanbixiso, muddaa la kulmayee mala heshiiyey? ma laysu tanaasulay? Mise weli waxbaa noo dhimman? Su,aalahani waa kuwo aan is weydiiyo laga yaabee Aqriste adiguna inaad is weydiiso.
Haddii
la daalo, nasiino waa lama huraan. Hadduu
qof khasaarona, taxadar waa u lama huraan. Hadduu qof lumo dal barasho iyo tilmaan raac waa u lama
huraan. Haddii talo ku seegto, sixiddeedu waa lama huraan.
Maxaa
iska bedelay Bulshadii Soomaaliyeed ee mudada dheer la daalaadhacaysay
dhibaatooyinkii iyo aafadii dagaalladii sokeeye, ee magacyada iyo midabyada
badnaa?.
Waxaa
adduunka sooyaalkiisa aad ka baranaysaa qolo weliba wixii hore ugu dhacay inay ka
samaysay horumar, kana dhigatey tabobar
sidii maahmaahda Soomaaiyeed odhanaysay: Khasaaradaadu waa faa,iidaada
BillowgeedaTalo xumo waa lagu tababartaaHaddaba Umaddeena Soomaaliyeed ayaad mooddaa jidkii qodxaha badnaa, muddoba aan
ku soo jirney, sooyaalkii qadhaadha, sahankii xumaa iyo sinsaarradii nagu
dhacday, inaynaan wax ku qaaddan, oo weli u goomoon nahay, oon leenahay waxbaa
noo hadhay.
Nin
doqonnimo lagu xaman jirey ayaa xaabo badan soo gurtay, wuu qaadi kari waayey
markaasuu intuu meel dhigay haddana mid kale dib u doontay. Waxaa ku soo baxay
nin socota ah, markaasuu weydiiyey xaabada meeshuu u wado? Wuxuu u sheegay inuu
ta halkaa hore taallo qaadi kari waayey oo rabo inuu sii badsado wuxuu la yaabay garaad xumadiisa
siin weyday; war tii hore ayaad qaadi
kari weydee iska dhin, ee uu mid kale la soo xamuuran yahay illeyn
Doqonimo qiiq kama kacdee daammankay meermeerisaa!,,ninkaas iyo umaddeena qaarkood isu qaab ekaa!!
Haddaan
usoo dego dulucda qormadeyda ayaa ah in muddooyinkan warbaahinta aad ka
daalacanaysay, qaybo ka mida bulshada Soomaaliyeed oo taagan dariiqii
jabhadihii ku dhisnaa beelaha 1978dii soo billowdey maanta oo ay goorta aynu
joognaa tahay, 2013kii. Waxaaynu joognaa caalam la kala miirmay oo umad hagaastay
oo aan Soomaali ahayni jirin, laysma weydiinayo maxaa sidan inoo galay oo
diifta iyo darxumada ina baday, ee kii waxbartey iyo kii wax oggaa labadiiba Alle
kuma anficine waxaay noqdeen dad aan waxba ku qaadan maalmihii madoobaa iyo
meertadii la soo maray!
Aan ku
horreeyo ururka SAHAL. Waa urur ay ku bahoobeen Beelo Soomaaliyeed oo dhawaan
ay uga dhawaaqeen qaar ka mida qurba joogta qaxoontiga ku tagtay waddamada reer galbeedka ee ku dayacan
iyaga iyo ilmahoodu. Urur beeleedkan ha la aasaaso hana la sameeyo ma xumee, maxaa loo sameeyey? Yaase sameeyey?
Ujeedadiisu maxay tahay, aan isku soo wada duubee waa maxay SAHAL? Magaca SAHAL
ayaa Kulminaya Shan beelood oo laysku yidhaahdo Daarood waana kan macnaha
Ururka:
Macnaha Magaca SAHAL:
S= Sadde Daarood (Mareexaan)
A= Absame (Ogaadeen iyo Adeerkiis)
H= Harti (Harti Daarood)
A= Awrtable
L= Laylkase
Ururkan SAHAL ayaa ah urur ku salaysan Qabyaalad iyo inuu xamaasad iyo
xasarad cusub ka dhex oogo bulshada Soomaaliyeed ee 22ka sano dowlad la,aanta
iyo dagaallada sokeeye daashadeen. Waxaa kaaga sii darane ragga ururkan aas
aasay maaha kuwo jooga ama tagaya waddankii oo wax ka qabanaya, ee waa niman
Fadhi ku dirir iyo munaafaqad la fadhiya
warbaahinta. Waxaad ka dheehanaysaa Muuqaalkooda iyo doodahooda, laba
arrimood, waxaanu nahay Daarood iyo waxaa naga maqan Guryoku yaala Muqdisho. Haddii aad shaqsiyan u weydiiso Muqdisho adigu ma
Guri baad ku lahayd, aan kula raadiyee hadday wax kaa maqan yihiin? Wuxuu kaaga
baxayaa, dadkuba waa lahaa iyo hebel ayaa guri lahaan jiray. Haddaad weydiiso
hebelka laftiisa adeerkiis ah meeshuu ku lahaa wuxuu kuu sheegayaa intan oo
Qaybood midkood:
1.African Village
2. Shiirkole
3. Bangaariya
4.Afisyoone
5.Xamar Bile (If iyo Aakhiro)
6.Caymiska
Iyo Guryo badan oo dowladdu iska lahayd shaqaalaheeda iyo hawlwadeennada
dowladdu deganaayeen. Meelaha kale nin
walba waa loo yaqaan gurigiisa waxaana jooga dadkii xaafadda, xitaa isaga oo
aan Garsoor marin ayaa wuxuu helayaa Markhaati haddii uu lahaa. Waxaana Muqdisho degaanaa Soomaali oo dhan, arki
maysid beel aan ahayn beelaha la baxay Magaca SAHAL Maahine, beel kale oo leh
dhulbaa xoog nalooga haystaa iyo hanta baa naga maqan! “Halbaa geela cuntoo
cabaadda” ayaan maqli jiray. SAHAL waa qaabkaas.
Haddaba waxaa halkan kaaga muuqata in qarnigii 21aad ay jiraan rag
sheeganaya Aqoonyahan aan idhaahdo Hal
aqoon oo u fekeraya qaabkii loo fekerayey qarnigii 16aad ama 17aad ee Reer
guuraaga, laysuna kaashan jiray beelaha. Hadda Jabhadihii way ka xishoodeen
inay Magacooda ku ladhaan magac beeleed
iyagoo ku dhisnaa qaab beeleed ayay haddana waxay dhammaantood ku isir
sheeganayeen Soomaalinimo. Ururkan ayaa ah urur had iyo gooraale, Muusanoow iyo
Tolaay la dhex taagaan warbaahinta sida telefishinada waxaadna halka hoose ka
Bogan kartaa qaabka uu hadlayaan ragga Hoggaanka u ah ururka SAHAL hoos ka daawo Muuqaalka Hoose.
http://www.youtube.com/watch?v=bhGdUpeqV9Y
Waxaa sidoo kale aan dhihi karnaa waxaa maradu ka dhacday Madaxa
Maamulka Puntland oo muddaba soo dhitinayey inuu kala dhantaalo
midnimada umadda Somaaliyeed, ayaa markuu waayey qaab kale uu ku muujiyo
dareenkiisa uguna dhawaaqo, inuusan ku
faraxsanayn hannaanka dowladeed ee ka soo bidhaamay dalka Soomaaliya,ayaa
warbaahinta ka sheegay inay Go’ayaan isaga
iyo maamulkiisu kuna Darsan Doonaan Reer Somaliland waaba haddey ka aqbalaane
Wuxuu yidhi halkan ka dhegayso.
http://horseedmedia.net/2013/02/01/faroole-somaliland-aanu-wada-hadalno-oo-aan-heshiino-laga-yaabee-inaan-isla-goano/
in
kastoo ay Somaliland qaar ka mida Xisbiyadooda siyaasadeed jawaab ka bixiyeen Sida
Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal cali waraabe halkan ka dhegayso.http://www.shaaciye.com/?nid=28928
Haddana
Madaxa Maamulka Puntland si badheedh ah ayuu uga soo horjeestay Nidaamka maanta
jira, wuxuu sheegay hamiga ku jira inuusan ahayn mid ah inay Soomaali wax la
wadaagan. Mudane Faroole wax badan ayaa hadalkiisa laga dhadhansaday inaan
Soomaalinimo ku jirin, waxaa ka dhex guuxayaana beel yihiin, balse tani waxay
daaha ka qaadday waxii dabaqu saarnaa ee mudo daboolka la saarayey.
Magaala xeebeedka Kismaayo, oo ah Xarunta Jubbada Hoose ayaa waxaa
muddooyinkan deganaa Jabhadda Raaskambooni, Maleeshiyo Beeleed ay isku Abtirsiimo yihiin iyo Ciidamada Kenya
oo wada shaqayn gaar ahi ka dhaxayso. Ilaa
iyo mudadii Jabhadani soo gashay Gobolkaas, waxaa socday olole cod dheer ah oo
loogu magac daray Jubbaland! Haddana Magaca Jubbaland waaba dhul Soomaaliyeed
waxaa sheegtay beel gaar ah, in kastoo ay jirto inay deegaanka beeshaasi wax ka
degto haddana waxay degtaa 21% Beelaha Sade iyo Absame. Waxaa jirta muddo laga
joogo 60 sano iney halkaas degaan dadyoow ka soo jeeda Gobolka Bari ee
Soomaaiya. Halka Degmada Afmadoow ay
degeen dadka Reer gaarisa muddo laga Joogo 50 sano. Waxaana degan Deegaanka
Jubbooyinka, Beelo Soomaaiyeed sidan ayaana loo degan yahay, eeg shaxda hoos ku
qoran.
|
1.Beelaha Hawiye |
2.Beelaha Raxanweyn |
3.Beelaha Direed |
4.Beelaha Shanaad |
5.Beelaha Daarood |
|
Gaaljecel |
Garre |
Biyomaal |
Cawra maleh |
Mareexaan |
|
Shiikhaal |
Jiiddo |
Qubays |
Giir giir |
Ogaadeen |
|
Mudulood |
IKK |
IKK |
Jareer |
Harti |
|
Xawaadle |
|
|
Baajuun |
|
|
Digoodi |
|
|
Reer xamar |
|
|
Ajuuraan |
|
|
Carab |
|
|
Madarkicis |
|
|
IKK |
|
|
Murursade |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
Haddaba Aqristoow, Jubbooyinka ma beel ayaa degta mise waxa degan
beelaha Soomaaliyeed oo dhan? Jubbooyinku ma Kismaayo, Afmadow iyo Badhaadhaa,
mise waa deegaankaa ballaadhan? Labada Gobol ee Jubbooyinka goorma ayay gooni u
yeesheen Beelaha Ku bahoobay SAHAL? Nimanka sheeganaya Jubbooyinka ee leh waxaa
diidan Dowladda Soomaaliya in maamul laga sameeyo ma gar ayuu u leeyahay inuu
maamul Kenya dabada ka riixaysa samaysto mise maya? Ma jiraa maanta deegaan
Soomaaliyeed oo lahaanshiiyihisa iyo deganaanshihiisa Muran ka taagan yahay? Saca
naasa adag iyo warranka maxaa kulmiyey? Jubbooyinka iyo IGAD maxaa isku maray?
Maxaa Dowladda Maamulka loogala cararayaa?VMa jiraa beel kale OO deegaankeeda
xoog uga qaadi kartaa? Haddii SAHAL dhul lagu haysto maxaa loogu qabsan waayey,
Puntland, iyo Degmooyinka kale ee Beelaha SAHAL ku bahoobay ee ay degan yihiin?
Tusaale waxaa inoogu filan duullaamadii beelaysnaa ee 1991 ee anigaa xoreystay
ninna dhul uu leeyahay cidi muran kama
gelin karto.
Ugu danbayn. Waxaan leenahay SAHAL faraskaagi laga badi! Casrigii
waaweray iyo tollaayeyna waa laga baxay ee
ninkii guri laga haystaa Garsoorka ha tago. Ninkii Gobol laga qaadayaana
deegaanka uu ku leeyahay ha soo bandhigo. Ninkii beelnimo wax ku doonayaana,
Ugaasyadiisa haw tago. Dowladda waa la wada leeyahay beel gaar ahi ma laha,
hadhcad ayaana wax la qaybsaday, Xildhibaanno is le,eg, Wasiirro is le,eg iyo
Saami qaybsi dhinac walba leh ayaa lagu dhisay Dowladda.
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com
Lasoco Ceelbaraf.net