Nin beerleey ah oo u dhashay dalka Bakistaan kuna nool dalka Bangladesh ayaa ku guuleystay oo lagu abaal mariyay dhalo Tv oo midab leh ka dib markii uu kuguuleystay in uu dilo 83-kun oo jiir (dooli) iyadoo loo aqoonsaday in uu jibiyay horyaalka jiir ama Dooli dilidda ee sanadka 2009-ka.
Mukheral Islaam ayaa ku guuleystay in uu ugaarsaday 83450 oo Dooli ama jiir sanadkaani 2009-ka , iyadoo uu horyaalka ka qaaday ninkii ka horeeyay oo uu kaga tira badiyay dilka Dooliyada ama jiirarka. Maamulka Bangladesh ayaa tartaankani u qabtay si loo yareeyo qasaaraha soo gaaraya dalagii beeraha ee ay haleeyaan Dooliyda ama jirarka sanad waliba , iyadoo munaasabada dhalada Tv-ga lagu gudoonsiiyay ay ka soo qeyb galeen dadka deegaanka .
Madaxa wasaarada beeraha ee Baganladesh Cabdul Xanaan ayaa sheegay in Mr.Islaam uu xitaa keenay Dooliyadii ama jiirarki uu soo dilay iyadoo uu la yimid xarunta wasarada ku leedahay gobolka. Waxa uu inta raaciyay in dadka beeraleyda iyo ardayda iyana ay dileen 6.5-milyan oo Dooli ama jiir taasi oo boqolkiiba 8% badbadisay dalagii beeraha ee sanadkan dalka Bangladesh.