| Ciidan katirsan Dowladda KMG Somalia ayaa weli wado dilalka ay ugaysanayaan dadka ay uga shakiyaan in ay yihiin Xoogaga Islaamiyiinta ee magaalada ka dagaalamo. Meydka wiil dhalinyaro ah oo si xun loo dilay ayaa saaka laga helay qeybo kamid ah xaafadaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir gaar ahaan agagaarka saldhig Galbeed.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in meydka ninka dhalinyarada ah oo jirkiisa ay ka muuqatay rasaas fara badan halkaas lasoo dhigay saqdii dhexe ee xalay, waxaana ay sheegeen in lagu soo dilay deegaan kale.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in goobta meydka lasoo dhigay ay aad ugu dhow dahay Saldhig degmada Wadajir ee degmada Dharkaynlay, iyadoona aysan jirin cid aqoonsata.
Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in meydka wiilka dhalinyarada ah goor dambe laga qaaday goobta islamarkaana dadka deegaanku ay isku afgarteen inay asturaan.
Maleeshiyaadka daacada u ah Axmed Daaci Gudoomiyaha degmada Wadajir ayaa maalmihii lasoo dhaafay degmada wadajir ka weday dhaq dhaqaaqyo ay ku baacsanayaan Dadka dhalinyarada ah oo ay sunadu ka muuqato. |