| Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa Dagaal culus oo saaka duleedka magaalada B/weyne ku dhaxmaray Ciidamada Maamulka Xisbul Islaam Gobalka Hiiraan iyo maleeshiyaad Hubaysan oo Maamulkaasi Mucaarasan
Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa lasheegay in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana lasheegay inuu ahaa mid soconayey in muddo ah oo labada dhinac aanay waxba iskula harin.
Daryanka hubka ay isku adeegsanayeen labada dhinac ayaa si weyn looga maqlayey xaafadaha magaalada B/weyne, waxaana ay taasi cabsi iyo welwel ku beertay shacabka ku dhaqan magaalada Baledweyne.
Lama oga khasaaraha dhabta ah ee kala gaaray dhinacyada dagaalamay, mana jiro war rasmi ah oo ku saabsan dagaalka oo kasoo kala baxay labada dhinac ee xalay dagaalka uu ku dhexmaray duleedka konfureed ee magaalada Baledweyne.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Maleeshiyo Mucaarad ah ay weerar ku qaaday goob ay Ciidamada Maamulka Xisbul Islaam ka joogeen Deegaanka Ceelgaal oo 20 KM ujira magaalada B/weyne.
Dhawaan ayay Itoobiya Gobalka soo gelisay Maleeshiyaad ay sheegtay in ay yihiin Suufida dagaalada ka wado Gobalka Hiiraan,Ciidan Itoobiyaan ah ayaa weli ku suga deegaanka Kalabeyrka gobalka Hiiraan |