| Xildhibaan katirsan Baarlamanka dowlada Federaalka Somalia ayaa Maydkiisa laga helay Musqul kutaal magaalada Muqdisho kadib markii in mudda ah lala'aa meel uu jaan iyo Cirib dhigay. Maanta duhurkii ayaa la sheegay in Maydka Xildhibaan Max'med Muuse Ra'iis laga helay Musqusha Hotel Hotel Muna oo ay deganyihiin Tobaneeyo katirsan Baarlamanka Somalia.
Gudoomiye K/xigeenka 1-aad ee Baarlamanka dowladda KMG Somalia Max'med Cumar Dalxa ayaa shaaciyay in ay heleen Maydka Xildhibaanka oo dhaxyaal Musqul uu galay maalin ka hor.
"Xildhibaankaasi waa dhintay shalay ilaa iyo maanta ayaan baadi goob ugu jirnay, Musqusha Hotelka ayaa lagasoo helay maydkiisa tii alle ayaa heshay"ayuu yiro Dalxa.
ma ahan markii ugu horaysay oo uu dhintu xildhibaan katirsan Dowlada KMG Somalia waxaysa xildhibaanadu ka cabanayaan dhaqaale xumo waxaana laga yaabaa in dhimashadiisa ay sabab u ahayd caafimaad xumo. |