|
Dagaallo Kooban oo ka dhacay Magaalada Muqdisho. |
|
 |
This
article has been Published at: 09-01-2010 and has been viewed 112 times
|
|
| Dagaal xooggan oo u dhexeeyey ciidamada dowladda KMG ah oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo xoogagga hubaysan ee kahorjeeda ayaa xalay kadhacay xaafadda Xoosh degmada Dharkaynlay ee magaalada Muqdisho
Dagaalka oo ahaa mid xooggan islamarkaana socda in muddo ah ayaa lasheegay inuu halkaas ka qarxay kadib markii xoogagga hubaysanay weerar qorshaysan ku qaadeen fariisin ay ciidamada dowladda KMG ah ku leeyihiin qeybo kamid ah degmada Dharkaynlay.
Ciidamada AMISOM ayaa lasheegay inay dagalka ka qeyb qaadanayeen iyagoona adeegsanayey madaafiic culus oo ay ku garaacayeen qeybo kamid ah xaafadaha degmada Dharkaynlay oo ay deggan yihiin dad rayid ah.
Lama oga khasaaraha dhabta ah ee uu geystay dagaalka, waxaase wararka saaka laga helayo xaafadda Xoosh ee degmada Dharkaynlay ay sheegayaan in xaaladdu saaka caadi ku soo laabatay oo ay dib u bilowdeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsiga, dadka iyo gaadiidka dadweynaha.
Ma jiro hadal rasmi ah oo kasoo baxay dhinacyada iska horjeeda ee xalay dagaalka culus uu ku dhexmaray xaafadda Xoosh degmada Dharkaynlay ee magaalada Muqdisho.
Si kastaba ha haatee dagaalkaan ayaa ku soo beegmaya xilli shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ay wadnaha farta ku hayaan, iyagoona ka cabsi qaba dagaallo culus oo magaalada Muqdisho ku dhexmara xoogagga hubaysan iyo dowladda KMG ah oo garab ka helaysa AMISOM. |
|
Wararkii Hore ee
CeelbaraNet
Halkan ka
Akhriso
Ceelbaraf.net@hotmail.com
ama Webmaster@ceelbaraf.net

Daawo
Sawirro
|
|
 |
|
|