| Khilaaf lagusoo saadaaliyay in uu yahay kii ay ku kala tegi lahaayeen dowlada KMG ah ayaa soo kala dhaxgalay Hogaanka sare ee kooxda uu hogaamiyaha u yahay Shariif Sheekh Axmed. Mas'uuliyiin katirsan Baarlamanka dowladda Federaalka Somalia ayaa shaaciyay in xilkii gudoomiyanimo uu ka dhamaaday Gudoomiyaha Baarlamanka Sheekh Aadan Madoobe.
Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka ayaa sheegay in Aadan madoobe uu waayay xilkii uu hayay islamarkaana ay dhawaan dooran doonaan gudoomiye cusub.
Maxamed Qanyare iyo Xildhibaano dhan 120 Xildhibaan ayaa magaalada Nairobi ka sheegay in ay dooran doonaan gudoon cusub oo bedela Aadan Madoobe gudoomiyihii hore .
"Shaci ahaan waa dhacay Aadan Madoobe dhawaan waxaan dooran doonaa gudoomiye Cusub,waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha in uusan arrinkaas soo faragelin oo yy sharciga xushmeeyo"ayuu yiri Qanyare.
Khilaafka soo kala dhaxgalay Baarlamanka ayaa laga cabsi qabaa in uu Maja xaabiyo Dowladda KMG Somalia oo aan awood muquuqata ku lahayn Gobalada dalka Somalia iyo caasimadda. |