Ciidamo katirsan dowladda KMG ah ayaa shalay xabsiga u taxaabay mid kamid ah wariyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Somalia xilli ay sii kordhayaan tacadiyada iyo dilalka loo geysto wariyaasha.
Wariye Maxamuud Carab oo katirsan wariyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa lasheegay in shalay ciidamo katirsan dowladda KMG ah ka kexeysteen masaajidka Isbeheysiga halkaas oo ku tukaday salaaddii Khudbada.
Wariye Maxamuud Carab ayaa lasheegay in askar katirsan ciidanka dowladda KMG ah ay xoog uga kexeysteen masaajidka, iyadoona aanay jirin war rasmi ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidanka dowladda KMG ah.
Wariyaha ayaa u shaqeynayey idaacadda Sahan oo iyadu dhawaan ku xirantay dagaalada aan dhamaadka laheyn ee kasoconaya magaalada Muqdisho, waxaana idaacadda Sahan ay xarun ku laheyd degmada Shibis ee gobolka Banaadir.
Si kastaba ha ahaatee xariga wariyahaan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan dhibaatooyinka iyo tacadiyada loo geysto wariyaasha ka howlgala gudaha dalka oo iyagu ku shaqeynaya marxalad adag.