|
AU oo Waqti loogu daray waqtigii ay Somalia joogtay. |
|
 |
This
article has been Published at: 09-01-2010 and has been viewed 114 times
|
|
| Kulan ay magaalada Addis-ababa ee xarunta dalka Ethiopia ku yeesheen madaxda sare ee ururka Midowga Afrika ayey isku raaceen in 6-bilood oo dheeri ah loogu daro ciidamada AMISOM si ay howlgalkoda uga sii wataan dalka Somalia.
Guddoomiyaha ururka Midowga Afrika Jiin Bing oo la hadlayey saxaafadda isagoo ku sugan magaalada Addis-ababa ayaa sheegay in ciidamada AMISOM loo kordhiyey mudada islamarkaana ay dalka Somalia sii joogayaan lib bilood oo cusub.
Wuxuu sheegay inay jiraan dalal katirsan ururka Midowga Afrika oo diyaar u ah inay ciidamo dheeri ah u soo diraan dalka Somalia, isagoona sheegay in dalalka Brundi iyo Ugandhana sidoo kale ciidamo ku biirinayan ciidamadooda ka jooga dalka Somalia.
Wuxuu ku booriyey beesha caalamka inay gacan ka geystaan sidii loo taageeri lahaa howlgalka ciidamada AMISOM, waxaana uu xusay in loo baahan yahay dhaqaale fara badan si loo dhameystiro 8-kun oo askari oo markii hore la qorsheeyey in la geeyo dalka Somalia.
Si kastaba ha ahaatee muddo u kordhinta ciidamada AMISOM ayaa ku soo beegmaysa xilli ay ciidamada AMISOM xasuuq fara badan u geysanayaan shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo ay maalin walba madaafiic si arxan darro ah ugu garaacaan xaafadaha magaalada Muqdisho. |
|
Wararkii Hore ee
CeelbaraNet
Halkan ka
Akhriso
Ceelbaraf.net@hotmail.com
ama Webmaster@ceelbaraf.net

Daawo
Sawirro
|
|
 |
|
|