Gabar Muslimada oo ku nool dalka Ingriiska ayaa waxbarahsadeedii collage-ka ku weysay xijaabka indhashareerka ah kadib markii Collage-kii ay indhashareerka ku tagtay xili ay bilaabilaheyd daruusta, waxaana gabadhan oo lagu magacaabo Shawana Bilqes oo 18-jir ah warqad ay ka heshay iskuulka iyadoo looga digay in ay dhigto indhashareerka hadii ay rabto in ay Collage-ka bilowdo
Gabadhan ayaa arintan waxaa ay ku noqotay mid ay la fajacday iyadoo ku andacooneysa in laga gardaran yahay, masuul u hadlay iskuulka oo lagu magacaabo John Smith ayaa sheegay in ay muhiim u arkaan in uu wajiga ardayga furan yahay oo la arki karo si aan u siino buu yiri ardayda waxbarashada ugu fiican ee Burnley College.
Arintan ayaa waxaa ka xumaaday Muslimiinta Britain oo ku micneeyay mid aan habooneen oo waxloogu dhimayo xuquuqda diimaha gaar ahaan Islamka, arintan oo aanan aheyn tii ugu horeysay ee Britain ka dhacda iyadoo horey gabar shaqadeedii ku weysay xijaabka aan indhashareerka aheyn balse markii dambe gabadhaasi ay heshay magdhow ay maxkamada weyn u go'aamisay.
Dalalka Yurub qaarkamida ayey dhibaatooyin noocan ah ay horey uga dheceen iyadoo dalka Faransiiska uu gabi ahaanba mamnuucay indhashareerka iyadoo uu markii hore arintaas baarlamaanka Faransiiska uu uga dhawaaqay Andre Gerin oo katirsan xisbiga Comunistaha ee dalkaas isagoo ku qeylinaya in ay qatar leedahay Muslimiinta Faransiiska ee kusoo badanaya kuwooda qaata indhashareerka hadana waxaba laleeyahay qofkii indhashareer lagu arko waa faransiiskee waxaa laganaaxayaa lacag dhan 750euro oo u dhiganta 1000$ dolar Sidoo kale waxaa iyana arin nuucan oo kale ay ka dhacday dalka Talyaaniga xisbiga loo yaqaan Northern League uu soo jeedshay in la ciqaabo hablaha Muslimka ah ee indhashareerka xirta, walow arintaasi uu markii dambe dalkaasi muran badan uu ka yimid iyadoo ay ka banaan baxeen Muslimiinta Talyaaniga.
Dhinaca kale waxaa wasiirkii hore ee arimaha gudaha ee Ingriiska Jack Straw uu soo jeedshay in hablaha qaata in dhashareerka la'mamnuuco taas oo dhalisay markii dambe in si weyn looga hor yimaado Jack Straw fikirkiisa iyadoo xildhibaanada kale ee baarlamaanka Ingriiska ay ku diideen waxaana cabashooyin kala gedisan xiligaasi oo ahaa 2006-dii ayka imaneysay dhamaan dunida Muslimka.