Ciidamada dalka Kenya ayaa habeenkii 3-aad howlgallo lagu qabqabtay dad fara badan oo Soomaali ah waxa ay ka sameeyeen xaafadda Islii magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
Howlgalka oo ahaa mid baaxad leh ayaa lasheegay inuu ka duwanaa howlgallo ay labadii habeen ee lasoo dhaafay ciidamada Kenya ka sameynayeen xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Ciidamada kenya ayaa xalay guri guri u galayey xaafadaha ay Soomaalidu ka deggan tahay magaalada Nairobi, waxaana ciidamadu ay dadka Soomaalida ah weydiinayeen su'aalo ay kamid ahaayeen ma taqaanaa Xarakada Al-shabaab, mise taageersan tahay.
Wararka laga helayo magaalada Nairobi ayaa sheegaya in xalay ciidamada Kenya howlgalka ay ku qabqabteen dad fara badan oo Soomaali ah, iyadoona dadka la qabqabtay ay ku jireen haween iyo caruur.
Hooyo Soomaaliyeed iyo labo caruur ah oo ay dhashay ayaa kamid ahaa dadka ay howlgalka ku qabqabteen ciidamada Kenya ee xalay habeenkii 3-aad howlgalka lagu qabqabanayo dadka Soomaalida ah ka sameeyey magaalada Nairobi.
Dadka Soomaalida ah ee xalay howlgalka lagu qabqabtay ayaa la geeyey xarunta CID-da ee magaalada Nairobi halkaas oo maanta lagu wado in lagu maxkamadeeyo.