Hay'adda Amnesty International ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay hakiyaan hubka ay siiyaan dowladda KMG ah xilli dhawaan dowladda Mareykanka ay hub fara badan ugu deeqday dowladda KMG ah ee Somalia. War bixin ay soo saartay hay'adda Amnesty International ayaa lagu sheegay in hubka la siiyo dowladda KMG ah loo adeegsado xad gudubyo kadhan ah shacabka Soomaaliyeed, waxaana ay beesha caalamka ugu baaqday inay hakiyaan hubka ay siiyaan dowladda KMG ah.
Hay'adda Amnesty International ayaa sheegtay in hubka la siiyo dowladda KMG ah uu mararka qaarkood ku dambeeyo gacanta xoogagga hubaysan ee kahorjeeda dowladda KMG ah oo hay'addu ay ku eedaysay inay ku kacaan xad gudubyo kadhan ah xuquuqda Aadanaha.
Amnesty International ayaa ku eedaysay dowladaha Ethiopia, Kenya iyo dowlado kale inaysan xaqiijin halka uu ku dambeeyo hubka ay siiyaan dowladda KMG ah, waxaana hay'addu ay sheegtay inay jiraan tacadiyo loo geysto dadka shacabka ah oo loo isticmaalo hubka ay bixiyaan dowlada Ethiopia, Kenya iyo kuwa kale.
"Waa in la joojiyaa bixinta hubkaasi haddii aysan jirin wax raad raac ah oo lagu sameynayo" ayaa lagu yiri war bixinta kasoo baxday hay'adda Amnesty International oo si weyn loogu dhaliilay qaabka loo adeegsado hubka la siiyo dowladda KMG ah ee Somalia.