Kooxo burcad South Afrikaan ah ayaa xalay labo dhalinyaro ah dil waxa ay ugu geysteen gudaha dalka South Afrika, iyagoona dhaawac halis ah u geystay wiil kale oo Soomaali ah.Falkaan ayaa ka dambeeyey kadib markii kooxaha burcadda ah ay dab qabadsiiyeen goob ganacsi oo ay lahaayeen dhalinyarada Soomaalida ah, waxaana la sheegay in labo kamid ah dhalinyarada Soomaalida ah ay ku naf waayeen dabka la qabad siiyey dukaankii ay ku sugnaayeen.
Aabaha dhalay mid kamid ah dhalinayada la dilay oo lagu magacaabo Cabdi Ciid Siyaad ayaa sheegay in wiilkiisa iyo wiil kale oo Soomaali ah ay u geerioodeen waxyeelo kasoo gaartay dab ay kooxo burcad South Afrikaan ah qabadsiiyeen dukaan ay ku sugnaayeen.
Waxa uu sheegay in kooxaha burcadda ah ay dhalinyarada Soomaalida ah kor uga xireen dukaanka islamarkaana ay dab qabad siiyeen taas oo sababtay in labo kamid ah dhalinyaradu geerioyoodaan halka mid seddaxaadna uu so gaaro dhaawac halis ah.
Aabaha Soomaaliyeed ee xalay wiilkiisa lagu dilay dalka South Afrika ayaa ugu baaqay safaaradda Soomaalida iyo dowladda South Afrika inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka sii kordhaya ee lagu hayo dadka Soomaalida ah.