| Mid kamida Ciidanka dowladda KMG ah ee sida daran ugu waxyeeloobay dagaalada ay kula jiraan xoogaga Islaamiyiinta ah ayaa ka sheekeeyay dhibka ay kala kulmaan dagaalada. Shalay dowlada KMG ah waxay garoonka Muqdisho ka dhoofisay Dhaawacyo farabadan oo wax looga qaban waayay dalka gudihiisa markii ay ku dhaawacmeen dagaalada. Muuqaal aad u food xun ayaa laga dareemaya dhaawaca Askarta dowladda oo noqday kuwa iska daadsan Isbitaalada oo aan daryeel ka helin dowlada shariifka. Mid kamida Maleeshiyaadkaasi Dowladda oo Nasiib u yeeshay in loo qaado Turkiga ayaa ka sheekeeyay sida geesinimada leh oo ay Ciidanka Shabaabka uga dagaalamaan Waqooyiga Muqdisho. Maxamed Cadaan Cigale oo dhaawac halis ah qabay wuxuu sheegay in uu ku dhaawacmay C/casiis gaar ahaan agagaarka Hotel Global oo ay isku horfadhiyaan Shabaabul Mujaahidiin iyo Ciidanka dowladda wuxuuna sheegay in aagaasi yahay meel dhib badan. "waxaan kusoo dhaawacmay Waqooyiga Muqdisho gaar ahaan C/casiis, waxaan halkaas ku galnay dagaal aad uculus waana meesha ugu daran ee ciidanka dowladu dhibka kala kulmaan"ayuu yiri Maxamed Cadaan Cigale . Maleeshiyaadka Dowladda ee dhaawacyada halista ah qaba waxaa Toogtay xoogaga difaacyada uga jira Waqooyiga Muqdisho oo la sheegay in aad u Tababaranyihiin "Qanaasiin" Toogtayaal ah.
Xigasho:WWW.BakaaroNet.com |