| Kadib Markii ay soo bexeen Warar sheegaya in Cisbitaalka degmada Ceelbaraf shaqa bilaabay islamarkaana qalab casri ah lakeenay ayaan xariir lasamaynay dadka deegaanka. Dad farabadan oo katirsan Akhristayaasha Ceelbaraf.net ayaa su'aalo ka keenay War 11-kii Janaayo kusoo baxay Bogga kaas oo sheegaya in Celbaraf General Hosbitaal shaqa bilaabay.
Weriyaha Ceelbaraf.Net ayaa isku dayay in uu Xariiro lasameeyo Dadka degmada ku sugan si uu xaalada dhab ah ee Cisbitaalka Ceelbaraf u ogaado waxaana loo sheegay in Cisbitaalka Konful weyn ku xiranyahay dhanka adeegyada Caafimaadka.
Way ku filnaan weysay Ceelbaraf.Net Xogtaas uu deegaanka ka helay waxayna qasabtay in Weriye loo diro Ceelbaraf, Weriyaha Ceelbaraf oo Maalmo ka hor kasoo laabtay Ceelbaraf wuxuu soo arkay xaalad aad uga fogay Warkii Ceelbaraf.Net lagu daabacay 11-kii Julaay 2010.

Cisbitaalka Ceelbaraf waxa shaqa ah uma hayo Bulshada marka laga reebo in dhismihiisa lataagay laakin malahan wax adeeg caafimaad ah.
Tifaftiraha Ceelbaraf.Net ayaa go'aansaday in Warkaasi laga saaro Bogga maadaama uu ahaa mid aan xaqiiq lahayn Cisbitaalka Ceelbarafna uu yahay mid Qunful weyn ka saaranyahay adeegyada Caafimadka.
Cisbitaalka degmada Ceelbaraf wuxuu Fariisin Ciidan u yahay Guuto katirsan Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin ee Maamulo dhamaanba degmooyinka Shabeelaha Dhexe.
Wilaayada Islaamiga degmada Ceelbaraf u magacaawday Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa gacanta ku hayso Cisbitaalka maadaama uusan Cisbitaalku lahayn adeegyo Caafimaad.
Marka gudaha loo galo Cisbitaalka waxaad ku arkaysaa Marakaneecooyin iyo agabyo kale oo ay dhigteen ciidanka Maamulka Ceelbaraf ee Fariisinka ka dhigtay.
Mid kamida Waxgaradka Ceelbaraf kana mid ah ganacsatada ayaa hadalka kooban naga yiri Cisbitaalka arimihiisa "Markii aan maqalnay in Idaacadda Somaliweyn iyo websaydyo lagu qoray Cisbitaalka ceelbaraf ayaa shaqanaya waan la yaabnay waana ka caroonay,cisbitaalka shaqadiisu waxay isku bedeshay Goob Ciidan"ayuu yiri Mid kamida dadka deegaanka.
waxgaradka ayaa intaas ku daray in ay wadaan dadaal ay ku samaysanayaan Shaybaar caadi ah oo Ganacsi ah kaasna kamid ma ahan howlihii loogu talagalay Cisbitaalka.
Idaacadda Somaliweyn ee fadhigeedo yahay Muqdisho ayaa baahisay in Cisbitaalka Ceelbaraf howlgalay taas oo noqtoya waxba kama jiraan.
Ugu dambayntii Odayaasha ayaan weydiinay su'al ahay Maxaa sababay in Ciidan dego Cisbitaalka?Mise shabaabaa xoog idinkaga qabsaday.
"Maya xoog laguma qabsan Cisbitaalka markii jaaliyadaha fureen dib laysugumasoo laaban,wax qalab ahna mayaalaan cisbitaalka marka laga reebo dhismo qurxoon leeyahay,Shabaabka degan way nagala tashteen way iska deganyihiin kaliya wax xoog ahna majiro,mar hadii Cisbitaalka aanu shaqayn guri ahaan ayay u degeen'ayuu yiri mid kamida guddiga cisbitaalka.

Waxaa diyaariyay Tifaftiraha Ceelbaraf.Net
Email:Webmaster@ceelbaraf.net Email:Ceelbaraf.net@hotmail.com Email:Ceelbarafnetsite@yahoo.com
|