| War Goordhaw nagasoo gaaray magaalada B/weyne xarunta gobalka Hiiraan ayaa xaqiijinaya in uu soo dhamaaday dagaalkii cuslaa ee saaka ka bilaawday magaaladaasi. Ciidamada Xisbul Islaam ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalada B/weyne kadib markii ay si daran ula dagaalameen Maleeshiyaadkii Yuusuf Dabageed ee sheeganayay Magaca Ahlusuna.
Madaxa Howlgalada Xisbul Islaam Sheekh Maxamed Caruus ayaa Goordhaw www.Bakaaronet.com u xaqiijiyay in Xoogagooda Mujaahidiinta ah ay gaareen deegaanka Ceelgaal.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Maleeshiyadii Dabageed ay ka gudbeen Kalabeyrka, dagaalka ay Xisbul Islaam kula wareegeen magaalada ayaa ahaa mid laba afle ah.
Dagaalka ugu culus ayaa Maleeshiyaadka Dabageed loogasoo qaaday Galbeedka Bari ee magaalada kadibna waxaa gudaha ka bilaawday dagaal horleh oo Shabaabul Mujaahidiin qayb ka ahaayeen.
30 saac kadib ayay Maleeshiyada dabageed si nafla caarinimo ah ku furteen wado aada dhanka Kalabeyr halkaas oo ay si dirqi ah ugu baxsadeen.
Xigasho:WWW.BakaaroNet.com |