| Xaaladda magaalada B/weyne ayaa saaka degan kadib dagaallo culus oo shalay gelinkii dambe ku dhaxmaray Islaamiyiinta iyo Maleeshiyaad beeled xariir laleh TFG iyo Itoobiya. Saraakiisha Xisbul Islaam oo xalay Bandaw kusoo rogay magaalada B/weyne ayaa sheegay in ay wadaan qorshayaal dib u dejin loogu samaynayo shacabka Muslimiinta ah ee magaalada Kabarakacay.
sheekh Abuu Xuseyn oo ah madaxa Warfaafinta Xisbul Islaam ayaa sheegay in Cadaw ay ka saareen magaalada B/weyne "Cadawgii Murtadiinta iyo qabuura galka ahaa waa jabay ilaahey idankiis mujaahidiinta ayaa diinka ugargaaraya"ayuu yiri Abuu Xuseyn.
Dhinacaka kale Xisbul Islaam iyo Shabaab ayaa wado qorshayaal ay dib udejin ugu samaynayaan shacabkii kasoo barakacay magaalada Muqdisho.
Xigasho:WWW.BakaaroNet.com |