| Maleeshiyaadkii Yuusuf Dabageed ee Muddo 11 maalmood ay haystay Bariga magaalada B/weyne ayaa gaystay falal xad gudub ku ah shacabka magaaladaasi. Warar aan helnay ayaa xaqiijinaya in Maleeshiyada Dabageed ee xariirka laleh ay dheceen xafiisyo School iyo hanti kale oo tiilay bariga magaalada.
waxaa fashilmay isku day ay Maleeshiyaadka qabuura galka suufida ay kasoo samaynayeen gobalka Galgaduud.
Itoobiya ayaa ku amartay Suufida Galgaduud in ay ugurmadaan Dabageed balse waxaa la sheegay in Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin ee ku sugan duleedka Dhuusamareeb ay dhaq dhaqaaq sameeyeen kadibna gurmadkii labaajiyay.
Dhinaca kale iyagoo fulinaya amar kasoo baxay Taliska Tigreega ee Feer Feer ayaa Maleeshiyaadka Suufiyada Qubuura Galeenka waxay 3 waaraad kusoo rareen Maleeshiyaad fara bada kuwaasi oo la doonayay gurmad in ay usoo fidiyaan firxadka Dabageed, hayeeshee warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in arrinkaasi uu fashilmay. Gurmadkaasi ayaa la sheegay in meelo kamid ah Galgaduud uu kasoo baxayay iyadoona deegaanada gobollada Galgaduud iyo Hiiraan xuduudka u ah ay kasoo gali lahaayeen balse waxaa la xaqiijiyay tallaabadaasi in ay fashilmatay.
Xigasho:WWW.BakaaroNet.com |