| Idaacadda Islaamiga Alfurqaan ee magaalada Muqdisho ayaa xadday dhigay shacabka Muslimiinta ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho kadib markii ay fagaaraha Warbaahinta lasoo fuushay waxqabad muuqda. Alfurqaan Radio oo ah idaacad madax banaan ayaa shacabka Soomaaliyeed ka mutaysatay kasbasho dhanka dhagaysiga ah waxaana guri walba oo Muqdisho ku yaal ka shidan Radiyaha Alfuqaan.
Idaacadda Alfurqaan ayaa kor u qaaday ka hadlidda dhibaatada shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa Muslimiinta taas ayaana keentay in aysoo jiidato quluubta dadka waxgalka ah.
Raadiyahan oo hadda ah Xidigga Idaacadaha Muqdisho wuxuu quluubta shacabka ka saaray,Jahliga,Afkaarta gumaysiga,qabyaalada iyo waxyaaba badan oo dhib ku ahaa shacabka.
Idaacadda AMISOM iyo TFG ee Muqdisho ku yaal ayaa awoodi waayay in ladhagaysto kadib markii ay soo bexeenn warbaahinta ka Misdaaqiyad wanaagsan.
si kastaba ha ahaatee Radio Alfurqaan ayaa lafilayaa in uu shaqadiisa saxaafadeed ee uu bulshada uhayo uu kor usii qaado maadaama ay dad badan ku xiranyihiin.
Xigasho:WWW.BakaaroNet.com |