waxaa Goordhaw soo gaba gaboobay dagaalkii Cuslaa ee saaka ka bilaawday Tuulada Warxoola Gobalka Galagduud kaas oo u dhexeeyay Xoogaga Shabaabul Mujaahidiin iyo Maleeshiyada sheegata Ahlusuna.
Sarkaal katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa Goordhaw BakaaroNet.com Khadka Taleefanka ugu sheegay in dagaalkii soo dhamaaday islamarkaan la jebiyay Maleeshiyaadkii Qabuura Galeenka ahaa.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa la sheegay in ay gaareen duleedka Warxoollo oo ay xalay si gaadmo ah kusoo galeen Maleeshiyadii Hubaysnayd.
"Dagaalkii waa soo dhamaaday maleeshiyaadkii Mushrikiinta ahaa way jabeen wayna laabteen,waxaa nagu maqaala ah in ay baxsadeen wayna sugayaan.. "ayuu yiri Sarkaal shabaab ah.
wararka ayaa intaas ku daraya in Gaari B10 ah laga gubay Maleeshiyaadka Ahlusuna sheegto ee werarka kusoo qaaday Warxoola.