| Ururka Dib Uxoraynta garabkiisii Asmara ayaa shaaciyay in ay sare u qaadayaan dagaalada ka dhanka ah Ajnabiga dhibaatada ka wado Somalia gaar ahaan Muqdisho. General Jaamac Maxamed Qaalib oo ahaa Gudoomiye K/xigeenka Asmara ayaa sheegay in ay dhaqaale badan ku bixinayaan dagaalada ka dhanka ah AMISOM,DKMG,Itoobiya iyo Maleeshiyaadka qabuura galka ah ee G/gaduud ka dagaalama. General Qaalib ayaa si cad u sheegay in ay fangaraynayaan cid walba oo dagaal kula jirta AMISOM iyo Itoobiya "anaga xarakaadka oo dhan waan taageersanahay waa Mujaahidiin, gaar ahaan Xisbul Islaam baa nataabacsan oo gudoomiye Aweys ayaa gudihii Jihaad ka wado"ayuu yiri Qaalib. Isbahaysigan ayaan la ogayn dowrkiisa maadaama ay dibadda ku wareegaystaan waloow garab kamid ah uu dagaal ka wado Somalia kaas oo ka dhan ah Ciidanka AMISOM iyo kuwa Itoobiya soo abaabushay.
Xigasho:BakaaroNet.com |