| Ciidamada Wilaayada Islaamiga Gobalada Jubbooyinka ayaa Howlgallo kala gedisan ka sameeyey deegaanno dhaca Bariga magaalada Kismaayo.
Wilaayada Islaamiga ah ayaa sheegtay in ay samaysay Howlgallo ay u baacsanayso kooxo dhibaateeyay dadka deegaanka. Sheekh C/qaadir Samsamoow Taliyaha Ciidanka Xisbada deegaanadaasi ayaa sheegay in Ciidankoodu ay galeen Buula Xaaji,Cabdalle Biroole iyo deegaanno kale oo ay dhibaato amaan xumo ka jirtay. Deegaanada dhaca Galbeedka magaalada Kismaayo oo ay Xisbada Howlgalka ka fulisay ayaa kamid ahaa meelihii ay sida daran ugu dagaalameen Maleeshiyaadkii Axmed madoobe iyo Ciidanka Wilaayada.
Xigasho:BakaaroNet.com |