| Xoogaga Islaamiyiinta Xisbul Islaami ayaa digniin u diray Dowladda KMG ah kadib muddo sanad ah oo ay Islaamiyiinta dagaal dhegaha ugu laabeen dowlada sha Ururka Shariifka.
Madaxa Howlgada Xisbul Islaam Sheekh Maxamed Caruus ayaa sheegay inay sii Sedax jibaarayaan dagaalada ay kula jiraan AMISOM iyo TFG inta ay dalka joogaan Nasaaro iyo Murtadiin sida uu hadalka u dhigay.
Caruus oo saak lahadlay Warbaahinta Muqdisho qaarkood ayaa sheegay in Jihaadku uusan ahayn wax waqti kooban socda "Jihaadka Somalia waa sii socanayaa inta ay dalka joogaan Nasaaro iyo Murtadiin waxaana doonaynaa in aan kor u qaadno raayada Towxiidka, Jabuuti ayaa gaalada lasooo saftay iyana fagaaraha ayaan isku arki doonaa"ayuu yiri Caruus.
Xoogaga Xisbul Islaam ayaa maalmihii lasoo dhaafay lasoo baxay ad aday dhanka Jihaadka ah oo aan looga baran waxayna noqonaysaa sanadkii 2-aad oo ay Xisbul Islaam dagaalada qayb ka yihiin mana dhicin wada hadal ay lagalaan TFG marka laga reebo Axmed Madoobe oo ka leexday wadadii lagu balamay
Xigasho:Allmuqdisho.com |