Waxgaradka Beesha Xawaadle ayaa kulamo Muhiim ah ka yeeshaynsida laga yeelayo dagaalada ka socda Bariga gobalka Hiiraan gaar ahaan magaalada B/weyne.Kulan xasaasi ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ka qayb galeen salaadiinta beeshaasi iyo Saraakiil Shabaab katirsan oo Xawaadle kasoo jeedo ayaa si adag looga hadlay arrimaha Hiiraan.
Odayaasha Xawaadle waxay garwaaqsadeen in Beeshoodu ay duulaan ku tahay maamulada islaamiyiinta iyadoo itoobiya soo adeegsanayso maleeshiyaadkii Dabageed ee c/laahi Yuusuf lasoo shaqeeyay.
Garaad Fiidow Gaabow oo Saxaafadda lahadlay ayaa sheegay in Beesha Xawaadle ay go,aano soo saartay islamarkaana ay u Nusrayn doonto Xoogaga Mujaahidiinta ah ee Hiiraan ka dagaalamaya.
Wuxuuna sidoo kale sheegay in dagaalka Hiraan Cadaw soo maleegay laakin uu Jaranjaro ka dhigtay Dad kasoo jeeda Beesha Xawaadle ee degta Bariga Hiiraan.
Qodobadii kasoo baxay Kulanka Beesha Xawaadle
1-In Beesha Xawaadle ay ku dhaqanto Shareecada Islaamka si dhamaystiran. 2-In Beesha Xawaadle Beelaha Gobalka kala qayb gasho soo celinta Nabadda iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka. 3-In siwada jira ah looga hortago qorshaha Itoobiya ee ah in Hiiraan dagaallo looga rido qaab Beeleed lagana Mashquuliyo Jihaadka. 4-Beesha Xawaadle waxay Go'aan ku gaartay in la Xidida siibo Cid walba oo Duulaan ku ah Diinta alle gaar ahaan Maleeshiyaadka Xawaadle ee Itoobiya iyo qabuura galeenka soo adeegsadeen ayaa lagu yiri Go'aamada ay isla gareen dhaqanka Xawaadle iyo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Garaad Fiidow oo kulanka kadib Allmuqdisho.com lahadlay ayaa noo xaqiijiyay in kulamo kale ay B/weyne ka socdaan maalmaha soo socdana ay Natiijooyin waxgal ah kasoo bixi doonaan.
Oday dhaqameedka Reer Hiiraan wuxuu si gaar ah u sheegay in duulaanka ka dhanka ah Islaamiyiinta ay wado qayb ka mid ah Beesha Xawaadle "Adeer dhibka shareeca diidka ah waxaa wadda Maleeshiyo Xawaadle ah oo Cadawga kaashanaya, Beelaha kale ee Gobalka dego waa ansaar, sidaas darteed ayaan kuwaas Kansarka ah uga saaraynaa gobalka xataa xal nabad gelyo ayaan fidinaynaa hadii ay alle u Towbad keenayaan"ayuu yiri Garaad Fiidow oo Allmuqdisho.com lahadlay.
Hiiraan dhankiisa Bari waxaa dhawaan ka dhacay dagaal lagu kala baxay oo u dhexeeyay Xisbul islaam Shabaabul Mujaahidiin oo isku dhinac ah iyo Maleeshiyaadka Dabageed oo kaashanayay kuwa Ahlusuna sheegto ee G/gaduud kasoo gurmaday waxaana magaaloyinka Hiiraan maamul islaamiyiinta.
Xigasho:Allmuqdisho.com |