Kooxo hubaysan ayaa lasheegay inay markii hore wiil dhalinyaro ah ku dhex dileen goob ganacsi oo uu ku lahaa bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolk Bari, iyadoona wiilka dhalinyarada ah uu u geeriyooday tacshiirad ay la beegsadeen kooxaha hubaysan.Sidoo kale kooxo hubaysan ayaa iyana labo dhalinyaro ah waxa ay dil ugu geysteen xaafadda Biyo Kulule ee magaalada Booaaaso, iyadoona kooxaha dilka geystay ay durbadiiba ka baxsadeen goobta.

Ciidamada amaanka ee maamulka Puntland ayaa soo gaaray goobta ay kooxaha hubaysan ku dileen dhalinyarada, waxaana lasheegay inay sameeyeen baaritaano iyo howlgalada aan la ogeyn waxa ay ku soo qabqabteen.
Mas'uuliyiin u hadlay maamulka Puntland ayaa sheegay inay qaadayaan talaabooyin ay uga hortagayaan falalka amaan darrida ah ee isugu jira dilalka iyo qaraxyada kadhacaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. |
|