| warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo xalay ka dhacay degmada Xamar jajab magaalada Muqdisho kaasi oo sababta uu uqarxay ay warar is khilaafsan kasoo baxayaan Qarax xooggan ayaa xalay fiidkii waxa uu kadhacay xaafadda Afisyoone degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho kaas oo geystay khasaare dhimasho ah.
Qaraxa oo ahaa miino nuuca dhulka lagu aaso ayaa lasheegay inuu ku qarxaywaxaana jira khasaara kasoo gaaray dad Rayid ah, warar soo baxay ayaa sheegaya in qaraxa ay meesha ka saarayeen ciidanka dowlada oo uu ku qarxay.
Daryanka qaraxa ayaa xalay si weyn looga maqlayey degmooyin katirsan magaalada Muqdisho, iyadoon uu cabsi xooggan ku beeray dadka ku dhaqan xaafadaha degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha dowladda shariifka u qaabilsan degmada Xamar Jajab Axmed Shiikh Maxamuud Qoorleex oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa uu dilay kooxo uu sheegay inay maleegayeen qaraxa,isagoona sheegay in saaka ay ku arkeen goobtii uu qaraxu kadhacay meydadka labo qof oo jirkoodu kala googo'ay.
Ciidamada dowladda KMG Somalia ayaa dhibaata xoogan kala kulma Miinooyin iyo Bambaanooyin ay xoogaga mujaahidiinta ah wada u geliyaan kuwaasi oo sababa khasaara isugu jira dhimasho iyo dhaawac,dowladda shariifka waxay warbaahinta u sheegtay in qofka dhintay uu yahay midkii Miinada dhigayay. |