|
Ciidanka
NATO oo ku hoobtay Weeraro ka dhacay Wadanka Afghanistan
Ciidamada daalibaan oo weeraray garoonka diyaaradaha ee
jalal-abaad ayaa sheegtay in ay 32 askari oo ka tirsan ciidamda
gumeysiga nato ku dileen weerarkaas sida uu tv-ga CNN u sheegay
masuul ka tirsan ururka daalibaan oo lagu magacaabo dabyullaah
mujaahid.
Weerarkan lagu laayay askarta naato wuxuu saaka ka dhacay
garoonka diyaaradaha ee magaalada jalaal- abaad oo xarun muhiim
ah u ah ciidamada naato, waxaana lagu tilmaamaa inay tahay
xarunta ciidan ee saddexaad xagga ahmiyadda iyada oo ku soo
xigta qandahaar iyo bagraam.
Bisha juun waxaa ciidamada gumeysiga afqaanistaan lagaga dilay
in ka badan 100 askari taas oo bishan ka dhigeysa middii ugu
khasaaraha badneyd ciidamada nato laga soo billaabo weerarkii
gardarrada ahaa waddankaas lagu qaaday 2001dii.
Hoggaanka guud ee ciidamada mareykanka David Petrios oo la
hadlayay aqalka congresska ayaa talaadadii sheegay in khasaaraha
ciidamdoodu uu badan doono xilliyadan soo socda isaga oo
arrintaas ku sababeeyay weerada daalibaan ee sii kordhaya
CeelbarafNet Aragti Cusub iyo
Wadaninimo Maamulaha Shabakadda
kala Xariir
Email:ceelbaraf.net@hotmail.com
ama Webmaster@ceelbaraf.Net
|