|
Maydadka
Ciidanka AMISOM oo maanta lagu jiiday wadooyinka magaalada
Muqdisho (Daawo Sawirada)
Laba ka mid ah ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in lagu arkay
qeybo ka mid ah caasimada Magaalada Muqdisho, gaar ahaan
Isgoyska Baar Ubax halkaas oo ay soo dhigeen Xarakada Alshabaab
oo shalay dagaalo la galeen dowladda KMG iyo Ciidamada AMISOM
Xarakada Alshabaab ayaa sheegay shalay in ay gubeen mid ka mid
ah gawaarida ay ku caan baxeen ciidamada AMISOM kaasoo ay ka soo
dhex bixiyeen meydadkan oo ka muuqdo jirkooda dab qabsaday gebi
ahaanba
Xarakada alshabaab ayaa dadka Magaalada Muqdisho meel fagaaro ah
ugu soo bandhigay meydadkan oo ay ku sheegeen in ay yihiin kuwo
ciidamadanka AMISOM, iyadoona dadka qaar ay halkaasi u tageen in
ay soo daawadaan meydadka la soo dhigay wadooyinka qaarkood
Si kasta oo ay ahaato ma ahan markii ugu horaysay oo meydad
ciidamada Shisheeye ah lagu arko wadooyinka Magaalada Muqdisho
qar ka mid ah iyadoo la jiidayo.





CeelbarafNet Aragti Cusub iyo
Wadaninimo Maamulaha Shabakadda
kala Xariir
Email:ceelbaraf.net@hotmail.com
ama Webmaster@ceelbaraf.Net
|